Xildhibaan Shaadh Oo Eedaha Mucaaradka Madaxweynaha Ka Difaacay

0
572

Hargeysa(Geeska) –Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo ka tirsan Golaha Guurtida islamarkaana ka mid ah Xildhibaanada taabacsan Xukuumadda, ayaa dhaliil u soo jeediyey Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu sheegay in aanay Mucaaradka lahayn Khibrad Dawladdeed.

 Xildhibaan Shaadh ayaa isaga oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u waramaya yidhi “Hadday Mucaaradku doorasho doonayaan,Xisbiyadoodu Barnaamij wax qabadba ma laha. waxoodu waa Cay iyo Nac-nac iyo Fool xumo iyo fadqalalo 24-ka saacdood ay wadaan,markaa Niman doorasho doonaya maaha ee waa Niman doonaya inay meesha ku shaqaystaan oo Xisbi uun maqlay, laakiin Xisbigu kaas maaha waa Kulmiye oo kale,Madaxweyne doorasho doonayaana waa inuu Siilaanyo oo kale noqdaa”

Xildhibaan Shaadh oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxweynuhu wakhti buu qabtay oo maalin dhaafi mayso ayuu yidhi,taasina waa run oo waa xaqiiq. Waxa weeye Madaxweynuhu shacbiyaddii iyo dadkiina wuu wataa,Waxqabadkiina wuu muujiyay,markaa maanta Madaxweynuhu kaba warwari maayo doorasho, laakiin,haddii farsamo dhacdo oo wax si ka noqdaan, Kordhin baa dhacaysa oo dawlad la’aani jiri mayso Guurtida ayaa kordhinaysa. kolkaa kuwan Mucaaradka ah iyaga Muddo kordhin ayaaba u wanaagsan oo ay doonayaan laakin lama tartami karaan Madaxweyne Siilaanyo.waa dad 24-ka saac waxaad ka naxdo mooyaane wax dalka wax u tarayaba aan Odhanayn,Dad xil kas ahna maba aha”

Xildhibaan Shaadh oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi“Madaxweynaha waxaan leeyahay, Umaddaada ayaad Kalsooni ka haysataaye,adiguna Kalsooni muuji,ha biqin,haddii doorasho jirto Diyaar baad u tahay oo dadku codkiibay ku siinayaan,haddii Muddo kordhini timaadana dawlad la’aani jiri mayso ee Golaha Guurtidu way kuu kordhinayaan”