Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Maanta Furmaya, Shir-Guddoonkii Wakiilada Uu Xisbigu Ku Lahaa Oo Ka Maqan Iyo Madaxweynaha Oo Ku Dhawaaqaya In Aanu Murashax Ahayn

0
535

Picture6Hargeysa (Geeska)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa maanta ka furmaya magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galaya ergada golaha dhexe ee xisbigaas.

Shirkan waxa furaya Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo lagu wado in uu kaga dhawaaqo in aanu ahayn murahax madaxweyne, iyadoo qodobka ugu culus ee lagu ansixin doono shirweynahani uu yahay in ergada golaha dhexe doortaan murashaxa madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen ee xisbiga. Murashaxa madaxweyne waxa u sharaxan guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, oo murashaxiintii la filayey in ay la tartamaan khilaaf kaga maqan yihiin madasha, laakiin aan la hubin in murashaxiin kale la tartami doonaan, halka ay ku xigeenkana u sharaxnyihiin Cabdiraxmaan Saylici iyo Dr. Saleeban Ciise Xaglatosiye.

Shirkan waxaa qaadacay saddexda murashax madaxweyne ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale. Waxa kale oo la filayaa inaanay shirka ka qayb galayn xubno muhiim ah oo ka mid ah hoggaanka xisbiga, kuwaas oo uu ka mid yahay Guddoomiye-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Talyanle. Sidoo kale waxa la filayaa in aanay iyaguna shirka ka qayb geli doonin labada guddoomiye xigeen ee golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo mudane Cali Yuusuf Axmed oo ah labada xubnood ee ugu sarreeya xildhibaannada xisbiga Kulmiye una metelayey shirguddoonka golaha, masuuliyiintani waxa ay la aragti yihiin murashixiinta saddexda ah ee is bahaystay. Waxa kale oo suurtogal ah sida ay murashixiintu sheegeen in ergo ka tirsan golaha dhexe oo taabacsani aanay shirka ka qayb geli doonin.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ah murashax madaxweyne iyo ku xigeenkiisa ayaa iska difaacay eedaha ay murashixiintan shirka qaadacday u jeediyeen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay aad isugu mashquuliyey inuu afartan xubnood ee ka tirsan hoggaanka xisbiga iyo shirguddoonka wakiilada ku qanciyo inay shirka ka qayb galaan, waxase la sheegayaa inaanu ku guulaysan inuu qanciyo masuuluiyiintan. Dadaalladaas la doonayo in lagu qanciyo xubnaha shirka ka maqan oo si gaar ah culayska u saaraya masuuliyiinta ay ka mid yihii shir-guddoonka wakiillada iyo guddoomiye ku xigeennada xisbiga ee maqan ayaa tan iyo saacadihii dambe ee xalay dhaqdhaqaaqooda laga dareemayey caasimadda.

Shirka KULMIYE ayaa maanta furmaya iyadoo ay ka maqanyihiin xubno ka mid ah raggii uu xisbiga KULMIYE ku dhaadan jiray wakhtiyadii uu mucaaradka ahaa islamarkaana qayb libaax ka qaatay guushii uu Madaxweyne Siilaanyo kursiga ku fadhiistay, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu khudbadiisa ku soo hadal qaado ragga madasha ka maqan oo laga yaabo in sidii horeba u dhacday uu farriimo u diro.

Si kastaba ha ahaate waxa la wada eegayaa jawiga uu ku furmo shirka golaha dhexe ee KULMIYE iyo saamaynta ay murashixiinta iyo masuuliyiinta kale ee la filayo in aanay ka qayb gelin ay ku yeeshaan geedi socodka shirka.

Ammaanka magaalada ayaa iyadana la dareemayey in illaa shalay kor loo qaaday, iyada oo ciidamo badan lagu arkayey waddooyinka iyo qaybo ka mid ah caasimadda.