Khilaafkii Kulmiye Oo Sii Xoogystay, Talo Urursiga Culus Ee Madaxtooyada Iyo Guddida Oo Xalay Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Soo Jeedintooda

0
551

Picture6Hargeysa(Geeska)-Laba maalmood ka dib oo ku beegan Salaasada 10 November waxa ay ku beegantahay maalintii loo asteeyay in shirka golaha dhexe ee KULMIYE ka furmo hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana magaalada Hargeysa ku soo dhammaaday inta badan ergadii ka qayb geli lahayd shirkaas.

Hase yeeshee inkastoo uu kaabiga ina soo saaray wakhtgii loo qabtay qabsoomida shirkani, haddana waxaa taagan khilaafaad la kowsaday cayimaadii shirka, kuwaas oo aan weli xal loo helin lagana yaabo inay dhaawacaan kalsoonida shirkaas. Inkastoo la sameeyay dedaalo lagu doonayo in xal loo helo khilaafka ka dhashay liiska ergada golaha dhexe oo ay shaki ka muujiyeen saddexda murashax ee kala ah Maxamed Biixi, Axmed Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale ayaan weli lagu guulaysan. Guddigii uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray inay xaliyaan khilaafka ka dhashay arrintan ayaa u muuqda in miisaankoodu saqiiray ka dib markii ay murashixiinta is bahaystay iyo wasiiradii is casilay ee taageersani qaadaceen kuna dhawaaqeen inaanay ku kalsoonayn.

Guddiga uu Madaxweynuhu u magacaabay KULMIYE oo hawlahooda iska sii watay waxaanay tallo ururinta ay gaadheen u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo, lamina sheegin nooca ay tahay talada ay u gudbiyeen.

Geesta kale, madaxtooyada Somaliland oo saddexdii caano maal ee u dambeeyay kulamo la yeelatay siyaasiyiin kala duwan ayaa urursanaysa sida lagu xalin karo khilaafka taagan iyadoo ay shirkii ka hadhsanyihiin wax ka yar saddex maalmood.

Madaxtooyadu waxa ay dhinacyadan la kulantay  iyadoo dareensan in hirdanka ka dhacay xisbiga KULMIYE uu halis geliyey Madaxweyne Siilaanyo oo ay xukuumadiisa iska casileen wasiiradii ugu badnaa ee taariikhda Somaliland hal mar iska casila xukuumad Somaliland ka jirta, iyadoo khilaafka oo sii socdaana uu sababi karo duufaano siyaasadeed oo ku habsada Madaxweyne Siilaanyo, waxaana iyadoo ay shirkii wakhti yari ka hadhsanyihiin weli madaxtooyadu sii wadaa tallo urursi  aan la saadaalin karin halka uu saldhigan doono; marka la eego wakhtiga kooban ee ka hadhsan qabashada shirka.

Si kastaba ha ahaate, waxa la eegi doonaa go’aanka ay madaxtooyadu ugu dambayn ka gaadho shirka KULMIYE ka dib marka ay urursato tallooyinka iyadoo wakhtiguna is gurayo. Sidoo kale waxa la eegayaa sida ay go’aanka madaxtooyada ugu qancaan dhinacyadan KULMIYE ku loolamayaa.