Kelmado Caan ah Oo Sannadkii 2014 Si Rasmi Ah Loogu Daray Ereyada Afingiriisiga Ee Qaamuuka Afka Kur Jira (2)

0
458

Picture9Hargeysa (Geeska)- Qaybtii labaad ee qormo uu Geeska Afrika ku soo bandhigayey tiro ka mid ah ereyada sannadkii 2014ka si rasmi ah loogu aqoonsaday in ay ka mid yihiin afka Ingiriisiga laguna qori doono qaamuuska afkan.

3. Listicle: ereygani waxa uu ka kooban xarfo laga soo kala qaatay labada erey ee List oo sida aynu macnaheeda ku garanayno ah Liiska ama diiwaanka, iyo ereyga Article oo isaga laga qaatay saddexda xaraf ee u dambeeya (cle) macnihiisuna yahay maqaal. Isutaggoodana waxaa ka soo dhex baxay erey hor oo ah, ‘Listicle’ waxaana hadda kadib uu noqonayaa erey Ingiriisi ah oo macnihiisu yahay, maqaallada lagu baahiyo baraha internet ka iyo shabakadaha xogta ay bulshadu ku kala qaadato. Markaa hadda kadib maqaalka lagu baahiyo internet ka oo keliya waxaa la odhan doonaa Listicle halka kan sida caadiga ah loogu baahiyo qoraalka daabacan loo odhan doono Article.

Picture104. Clickbait: Soo jiidanaya in la gujiyo ama la gudo-galo. Ereygani waxa uu ka kooban yahay laba erey oo kala ah Click oo sida aynu naqaanno ah gujin ama in la taabto batamka kuu ogolaanaya in gudaha loo galo qoraal ama sawir la soo dhigay bog internet ka ka mid ah. Qaybta labaad waa ereyga Bait, oo macnihiisu yahay dhadhan soo jiidasho leh ama indho-sarcaad ku soo jiidasho. Isug tagga labadan erey waxaa ka dhashay, Clickbait oo afka Ingiriisigu hadda aqoonsaday oo leh macnaha aynu ku bilownay.

Tusaale ahaan waxaa jira warar iyo qoraallo dadka qaar websites ka soo geliyaan ama soo dhigaan bogaggooda bar-kulannada facebook laakiin aan macne badan lahayn ama mararka qaarkood aanay cinwaankaba waxba ka hoosayn, ujeedadooduna ay tahay keliya in aad gujiso cinwaankan taas oo ay ugu jirto faa’ido dhaqaale oo dhinaca xayeysiisyada ahi. Tusaale ahaan waxa aad arkaysaa website soo qoraya, “Oday caashaq helay, hadda bal eeg waxa ku dhacay” waa hadal u yaalla qaab qof kastaa uu xiisaynayo, laakiin nasiib darro marka aad gudaha ugu tago laga yaabo in aanay waxba ku jirin ama cinwaanka aanu nuxur kale uga hoosayn. Qoraallada noocaas ah marka aad cabbirayso ayaa aad ku sheegi kartaa in aanay macno lahayn ee ay yihiin keliya kuwo looga jeedo in aad gasho.