Murashixiinta Saddexda Ah Ee Is Bahaystay Oo Weli Taagan Mawqifkii Ay Ku Qaadaceen Ka Qayb Galka Shirka KULMIYE Iyo Dedaaladii Madaxtooyada Oon Guulaysan

0
430

Picture8Hargeysa(Geeska)-Saddexda murashax ee Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore u sheegay inay qaadaceen ka qayb galka shirka KULMIYE ee furmaya Salaasada oo ay maalin keliya inaga xigto, ayaa weli ku dhegan mawqifkoodaas.

Saddexda murashax ayaa shalay ka dhex muuqday munaasibad ay taageerayaashoodu ku qabsadeen hoteelka Crown oo ay Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inuu dib u dhigo shirka Salaasada furmaya, ayaa weli taagan mawqifkoodaas hore ee ahaa inaanay ka qayb geli doonin shirka golaha dhexe ee KULMIYE, waxaana muuqda inaanay guulaysan dedaalo ay madaxtooyadu ku doonaysay inay murashixiintu shirka ka qayb galaan oo aanay qaadicin ka qayb galkiisa. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa isagu shalay si cad u sheegay in mawqifkii uu ka qayb galka shirka KULMIYE ku qaadacay weli halkii u yaalo, isagoo sheegay inaanu sinaba shirka Salaasada furmaya uga qayb galayn islamarkaana aanay waxba iska bedelin mawqifkiisaa hore.

Madaxtooyada ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay kulamo la yeelatay siyaasiyiin aad uga dhow dhow murashixiintan, kuwaas oo ay ka dalbatay in murashixiinta lagu qanciyo inay shirka ka qayb galaan, laakiin dedaaladaas ayaan midho dhalin.  Waxaanay geesta kale saddexdan murashax guclo iyo orod ugu jiraan inay madaxtooyada ku qanciyaan in shirka dib loo dhigo, waxase muuqata inaanay weli madaxtooyadu si rasmi ah u qaadan aragtida dib u dhigista shirka ee murashixiintan.

Haddii ay murashixiintani ku adkaystaan inay ka baaqsadaan shirka golaha dhexe ee KULMIYE, waxa ay sidoo kale la maqnaan doonaan taageerayaashooda, iyagoo sidoo kale cidlayn doona tartanka murashaxa madaxweyne ee KULMIYE.