Busbaas Qajiga Kululi Waxa Uu Ka Hortag U Noqon Karaa Cudurro Qofka Ku Keena Dhimasho Kedis Ah

0
684

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhiso caalamiya ayaa daahfuray in busbaas qajiga kululi uu hoos u dhigo in qofka ay ku dhacaan khatartaha keeni kara dhimashada kediska ah iyo cudurrada soo booddada ah. Waxa kale oo uu ka hortag u yahay wadne xanuunka, dhiig furanka maskaxda iyo kansarka.

Cilmibaadhis muddo tijaabooyin kala duwan ku samaynaysay Nus Milyan qof oo ay kormeerayeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda caanka ah ee Harvard oo ku taalladalka Maraykanka iyo jaamacadda Beijing ee dalka Shiinaha ayaa gaadhay natiijo xaqiijinaysa in dadka maalin kasta cuna cuntooyinka uu ku badan yahay busbaas qajiga kulul iyo guud ahaan cuntooyinka xawaashyada iyo wax yaabaha kululi ku badan yihiin in ay boqolkiiba 14 ku yar tahay khatarta ah in ay ku dhacaan cudurrada dhimashada kediska ah keeni karta, marka la barbar dhigo dadka celcelis ahaan hal mar cuna.

Waxaa iyaguna jira marar hore oo ay qaar ka mid ah khubarada caafimaadku ku caddeeyeen in busbaaska qajigu uu dawo ka yahay miisaanka badan, iyo cillado kale oo caafimaadka qofka dhibaatooyin kala duwan ku keeni kara.