Kamarado Sawiraya Gidaarka Dhabarkiisa Dambe Iyo Sirtii Shakhsiga Ahayd Oo Dunida Ku Sii Xurmo Beelaysa

0
534

London (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ku guulaystay in ay sameeyaan Kamaradda wax lagu eego oo awood u leh in ay bidix iyo midig u leexato iyo in ay sawirto gidaarka dhabarkiisa dambe wax aka jira. Arrintan oo lagu tilmaamay horumar weyn oo caawin doono yaraynta dembiyada ay tuugadu ka mid tahay iyo la dagaallamidda awoodda xeeladeed ee ay dembiilayaashu u leeyihiin ka dhuumashada kamaradaha.

Kamaraddan cusubi waxa ay sidoo kale adeeg weyn u qabanaysaa gaadiidka Milateriga, waayo waxaa lagu rakibi karaa gaadiidka gaashaaman ee ciidamada si khatarta soo fool leh looga war helo inta aanay iman halka ciidanka iyo gaadiidku ku sugan yihiin, gaar ahaan waa dagaallada magaalooyinka iyo shaaracyada ka dhaca oo inta badan kooxaha hubaysani ay ku dhuuntaan gidaarrada iyo sakadaha, halkaasna ka soo shiishaan ciidanka ama jid gooyo u galaan ciidanka iyo gaadiidkiisa.

Tiknoolajiyaddan cusub oo warkeeda uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera, waxaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay carwada cilmiga takhasuska ah ee lagu qabto magaalada Londonee dalka Ingiriiska. Heriot-Watt oo ka tirsan kooxda cilmibaadhista ee jaamacada Edinburgh ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in kamaraddan cusubi ay awood u leedahay in ay ciidanka tusto in qofka gidaarka ama dadka gidaarka dhabarkiisa dambe taagani cadow iyo saaxiib midka uu yahay.

Kamaraddan cusubi awood aad u badan ayaa ay dheer tahay kamaradaha kale ee hore loo isticmaali jiray, Hal Ilbidhiqsi ayaanay ku sawiri kartaa 15 Bilyan oo dhinac. Sidoo kale waxa ay leedahay awood sawir oo suurtogelinaysa in qofka ay sawirto tilmaamihiisa iyo amaaradihiisa wejiguba ay si toos ah uga muuqdaan sawirka. In kasta oo ay khubaradu sheegeen in kamaraddani ay weli xaalado bilow iyo tijaabo ah ku jirto, haddana ay durba ka qayliyeen dad badan oo u dooda xaqa ay dadku u leeyihiin in yeeshaan sir u gaar ah. Dadkani waxa ay ku doodayaan in kamaradahan oo si ganacsi ah loo iibiyaa ay keeni karto in dad dano gaar ah iyo ujeeddooyin anshax xumo ahi u adeegsadaan dadweynaha oo dhan.