Google Oo Ikhtiraacday Qalab Aan Irbad Ahayn Oo Loo Adeegsan Karo Dadka Dhiigga Laga Qaadayo

0
561

ggggWashington (Geeska)- Shirkadda Google ayaa si rasmi ah u dalbatay in loo aqoonsado in ay tahay ciddii ugu horreysay ee dunida u samaysa qalab dhiigga dadka lagaga shubayo iyada oo aan irbad la adeegsanayn. Qalabkani waa laba nooc oo mid sida saacadda gacanta loogu xidhanayo iyo mid gacanta laga isticmaalo oo suurtogelinaya in farta ama meelaha kale ee jidhka ka mid ah dhiig ka qaado iyada oo aan jidhka la daloolinayn.

Shirkadda Google iyo shirkado kale ayaa intii muddo ahayd ku mashquulsanaa in ay dunida ka soo af-meeraan fikirkii ahaa irbad lageliyo qofka dhiigga laga qaadayo, iyaga oo doonaya in dhiig qaadistaasi suurtogasho iyada oo aan qofka irbad lagu mudin.

Si kastaba ha ahaato ee shirkadda Google waxa ay qalabkan yaabka leh soo bandhigaysaa marka ay u dhamaystirmaan hawsha u “Diiwaangelinta xaqa curinta iyo fikirka” iyada oo ka cabsi qabta in qalabkani haddii uu dibadda u baxo iyada oo aan la siinin xaqaas caalamiga ah in ay dhici karto in dad kale sheegtaan hal-abuurka qalabkan. Shirkadda Google waxa ay sheegtay in qalabkan marka gacanta lagu xidho uu si aanu qofku dareemayn dhiig uga soo nuugayo daloollada dabiiciga ah ee jidhka aadamaha kadibna ku buuxinayo weel loogu talogalay. Waxa aanay hoosta ka xariiqday in qalabkani uu si gaar ah u anfacayo dadka qaba cudurka macaanka ee ay tahay in ay si joogto ah isaga qaadaan dhiig ay ku cabbirayaan heerka uu macaankoodu marayo, waxa aanay ka nasan doonaan irbadda joogtada ah ee ay isku mudaan.Washington (Geeska)- Shirkadda Google ayaa si rasmi ah u dalbatay in loo aqoonsado in ay tahay ciddii ugu horreysay ee dunida u samaysa qalab dhiigga dadka lagaga shubayo iyada oo aan irbad la adeegsanayn. Qalabkani waa laba nooc oo mid sida saacadda gacanta loogu xidhanayo iyo mid gacanta laga isticmaalo oo suurtogelinaya in farta ama meelaha kale ee jidhka ka mid ah dhiig ka qaado iyada oo aan jidhka la daloolinayn.

Shirkadda Google iyo shirkado kale ayaa intii muddo ahayd ku mashquulsanaa in ay dunida ka soo af-meeraan fikirkii ahaa irbad lageliyo qofka dhiigga laga qaadayo, iyaga oo doonaya in dhiig qaadistaasi suurtogasho iyada oo aan qofka irbad lagu mudin.

Si kastaba ha ahaato ee shirkadda Google waxa ay qalabkan yaabka leh soo bandhigaysaa marka ay u dhamaystirmaan hawsha u “Diiwaangelinta xaqa curinta iyo fikirka” iyada oo ka cabsi qabta in qalabkani haddii uu dibadda u baxo iyada oo aan la siinin xaqaas caalamiga ah in ay dhici karto in dad kale sheegtaan hal-abuurka qalabkan. Shirkadda Google waxa ay sheegtay in qalabkan marka gacanta lagu xidho uu si aanu qofku dareemayn dhiig uga soo nuugayo daloollada dabiiciga ah ee jidhka aadamaha kadibna ku buuxinayo weel loogu talogalay. Waxa aanay hoosta ka xariiqday in qalabkani uu si gaar ah u anfacayo dadka qaba cudurka macaanka ee ay tahay in ay si joogto ah isaga qaadaan dhiig ay ku cabbirayaan heerka uu macaankoodu marayo, waxa aanay ka nasan doonaan irbadda joogtada ah ee ay isku mudaan.