Madaxweynayaashu Waa Ay Cimri Deg-degaan, Laakiin Xildhibaannimada Baarlamanku, Cimri Dherer Bay Keentaa

0
476

Paris (Geeska)- Laba  cilmibaadhisood oo natiijadooda lagu dhawaaqay Salaasadii shalay 15ka Diisambar 2015ka ayaa daahfuray in  qofka oo madaxweynaha dalkiisa loo doortaa ay kor u qaaddo khatarta ah in uu cimri degdego ama ku dhaco xanuun geerida ka soo dhoweeyaa, halka haddii loo doorto xildhibaan baarlamaan ay u dhowdahay in xilka uu ka faa’ido cimri dherer. Gaar ahaan marka laga hadlay xaaladda golaha odayaasha dalka Ingiriiska oo tijaabada daraasaddan lagu sameeyey.

Majaladda The Bridge Medical Journal ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo inta badan bogaggeeda qaar ka mid ah ku faafisa cilmibaadhisaha lagu helo natiijooinka yaabka leh ama u qaadan waaga noqda, ayaa cadadkeedii ugu dambeeyey ee ay ugu talogashay ciidda Masiixiga ee sannadkan oo ku began 25ka Bishan waxa ay baahisay cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey oo isbarbar dhigtay cimriga 269 hoggaamiye oo intii u dhexeysay 1722kii illaa 2015kii madaxka soo noqday 17 dal iyo xaaladda 261 murashax oo iyaguna inta ay xil madaxweyne isu soo sharraxeen ku guul darraystay; Waxaana soo baxday natiijada ah in hoggaamiyeyaasha la doortay uu cimrigii noloshoodu ku dhowaad saddex (2.7) sano ka yaraaday murashaxiinta dhacay. Daraasaddu waxa ay iftiimisay in hoggaamiyeyaasha la doortay ay si aad ah uga cimri gaaban yihiin kana hor gaboobi og yihiin murashaxiinta tartama balse dhaca. Laakiin cilmibaadhayaashu waxa ay ku afeef dhigeen in xaaladdan ay ku kala duwanaan karaan dalalka dunidu, maadaama oo iyagu dalalka ay tijaabada ku sameeyeen ay yihiin Yurub, Maraykanka iyo Kanada oo keliya.

Dhinaca kalana waxa ay majaladdu baahisay daraasad kale oo cilmibaadhayaal Ingiriis ahi ku eegeen da’ihii ay ku dhinteen Shantii kun ee xildhibaan ee ugu dambeeyey xildhibaannada soo maray labada gole ee baarlamaanka Ingiriiska, waxa aanay barbar dhigeen celceliska da’da ay ku dhinteen muwaadiniinta caadiga ahaa ee geeriyooday intii u dhexeysay 1945kii illaa 2011kii. Natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in celceliska dhimashada xildhibaannadu uu boqolkiiba 28 ka yar yahay dhimashada shacabka iyada oo weliba golaha sare ee baarlamankanaka farqigu uu gaadhayba boqolkiiba 38.