Kala Duwanaanta Dareenka Aragga Ninka Iyo Gabadhu Waxa Uu Saamayn Ku Yeeshaa Shilalka Ay Galaan

0
960

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Waxa aynu ka soo warannay siyaabaha kala duwan ee dareenka aragga ee labada jinsi u shaqeeyaan, taas oo aynu soo tusaalaynay in ay saamayn muuqata ku yeelatay dhammaan dhinacyada kala duwan ee noloshooda. Arrimaha sida gaarka ah xiisaha u leh eek ala duwanaantaas qaabka shaqo ee aragga labada jinsi saamaynta muuqata ku yeesheenna waxaa ka mid ah mid lagu ogaaday baadhitaanno lagu sameeyey diiwaannada shilalka ee shirkadaha caymiska oo caddeeyey in shilalka gaadhiga ee ay gabadhu gasho marka ay ka gudbayso ama marayso is-goysyada afarta jiho ka furan ay aad uga yar yihiin kuwa uu ninku markaas oo kale galo. Dabcan waa arrin dabiici ah in markaas oo kale ay gabadhu gasho shilal ka yar kuwa ninka, waayo sida aynu hore u soo tibaaxnay waxa ay awoodaysaa in araggeedu uu hal mar qabto jihooyinkaas kala duwan, taasina waxa ay ka caawinaysaa in hal mar ay dhinac kasta oo jidka ah la socoto baabuurta kaga imanaysa. Halka ninku uu hal dhinac araggiisu xoogga saari karo, sidaa awgeed ay dhacayso in aanu waqtiga ku habboon arkin gaadiidka jihooyinka kale kaga imanaya.

Tusaalaha labaad ee aynu u soo qaadan karno saamaynta uu kala duwanaanta aragga labada jinsi ku yeelatay noloshooda ayaa ah in gabadhu ay si sahal ah oo dhaqso ah u aragto halka ay indhaha saygeedu ku maqan yihiin marka ay wada socdaan, tusaale ahaan waxaa dhacda in iyada oo baabuurka hareer fadhida ay haddana arki karto xarakaadka indhihiisa iyo cidda uu si gaar ah isha ugu xadayo, waana sababta ay ragga il-qoodha ka halacsada dumarka kale ay khaatiyaan uga istaagaan xaasaskooda oo arka marar badan oo ay u haysteen in aanay arkayn ku caddeeya. Laakiin ninku taas nasiib uma uu helin. Waxaa halkaas ka muuqata in ninku aanu ahayn kan mar kasta isha isagu ku xada jinsiga kale, ee gabadha qudheeda ay ka dhici karto, laakiin isagu mar kasta uu fashilmo.