Nolosha Yaabka Badan Ee Maroodiga Iyo Aqoonta Ku Maqan Ee Ina Tusaysa Xikmadda Abuurka Alle! (1)

0
889

Picture5Hargeysa (Geeska)- Waa qormo taxane dhowr maalmooda ah oo aynu dhowr sano ka hor ku soo qaadannay, cilmiga bulsho ee ku duugan xayawaanka Maroodiga, qormadan oo aanu mar kale ugu so ocelinnay, akhristaayasha aan berigaas fursadda u helin in ay akhriyaan ama xiisaynayey in ay qoraal rogaal celis ah kaga bogtaan waxa aynu cadadkeenna maanta ku soo qaadannay qabtii koowaad:

Maroodigu waa Caws iyo biyo ku nool ka tirsan xayawaannada loo yaqaanno Naasleyda, waa xayawaanka ugu weyn xayawaannada duur joogta ah ee hadda dunida ku dhaqan, waxa aanu ku badan yahay qaaradda Asia iyo kaymaha Afrika. Dhaqan ahaan dadka Shiinuhu waxa ay maroodiga u yaqaannaan xayawaan aad u kibir iyo qab badan, isla markaana barwaaqo ku nool ah, waana ta keentay halku dhegga laga isticmaalo dalka China ee manhiisu yahay, "Hebel Maroodi ayaa uu fuulay" marka ay u jeedaan hebel nolol badhaadhe ayaa uu galay ama marka ay doonayaan inay tilmaamaan qof kibir iyo isla weyni aan hore loogu aqoonin la soo baxay.

Maroodigu waa Xayawaan ku caan ah xasuus xoog badan oo gaadhsiisan inuu sannado xasuusnaaddo shayga uu arko ama goobaha uu tago, xauustiisan mucjisada lagu tilmaami karo ayaana u fududaysa in uu ku arooro ceelasha iyo dhulka biyaha uu ka cabbo gaar ahaan xilliyada abaarta oo mararka qaarkood ku dheeraada qaaradda Afrika. Maroodigu waxa uu jecel yahay in uu ciidda (Dhulka) ku gelgelmaysto, gaar ahaan xilliga ay qorraxdu aad u kulushay oo uu dhabarkiisa camuud badan ku shubo, isaga oo doonaya inuu ka ilaaliyo kulaylka qorraxda, sidoo kale waxa uu ciiddaas maqaarkiisa kaga ilaaliyaa xayawaannada ay shimbiraha qaar ka mid yihiin ee laga yaabo in ay dhabarka ka dhuuqi lahaayeen.

Daraasado kala duwan oo lagu baadhay hab-nololeedka bulsho ee maroodiga iyo hab-dhaqannadiisa u gaarka ah ayaa lagu ogaaday in maroodigu uu yahay  xayawaan si fudud u rabbaysma, isla markaana si fudud loogu tababaro karo arrimo kala duwan, tusaale ahaan, waxa la bari karaa in uu jaaso, ama in loo tumo muusig oo uu ku socdo saf dheer oo aanu midna mid dhaafin ama ka leexan isaga oo tallaabada la eeganaya hab dhaca muusiga loo tumayo. Sidoo kale tababarro adag oo muddo loo samaynayey kadib waxa suuro gashay in la arko maroodi inta uu gacankiisa ku qabto qalinka sawirrada, si farshaxan ah u sawiri kara sawiro qurux badan oo ka soo maaxday maskaxdiisa. Dalka Taiwan ayaa ugu badan oo ay ka dhacday in lagu arko maroodi sawira boqolaal sawir gacmeed, gaar ahaan maroodiga Lankam oo 11 jir ah ayaa sawiray sawiro qaarkood ubax yihiin oo la siistay qiimo dhan 45 Giniga inigiriiska ah. Malaayiin dalxiisayaal ah ayaana u soo daawasho taga maroodigan iyo koox maroodiyo ah oo ka kooban toddoba xubnood dhamaantoodna si farshaxan ah u sawiri kara sawiro leh midabbo kala duwan, maroodi kastaa sawirka uu sawirayo kama eeganayo meel ee waxa uu sawira wixii maskaxdiisa ku jira ama uu arkay. La Soco…