Dadka Ku Nool Dhulka Ku Dhow Garoomada Diyaaraduhu Waa Ay Ka Miisaan Weyn Yihiin Kuwa Ka Fog Gegida

0
903

Oklahoma (Geeska)- Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Sweden ayaa dhowaan ka digay in dhulka u dhow garoomada diyaaradaha oo hoy ahaan loo degaa ay sabab u noqon karto miisaanka qofka oo kordha. Cilmi-baadhayaashu waxa ay sheegeen in guuxa xad dhaafka ah ee diyaaraduhu uu jidhka ku keento in uu soo saaro xaddi badan oo ah hormoonka isku buuqa iyo diiqadda keena, kaas oo isna sabab u noqda in ay calooshu weynaato. Wargeyska The Locale oo ka soo baxa dalka Sweden ayaa ka soo xigtay cilmi-baadhayaashan oo ka tirsan Mac-hadka Karolinska oo ku yaalla xarunta dalkaas ee Stockholm, kuwaas oo sheegay in ay sameeyeen cilmi baadhis ay si gaar ah tijaabo cilmiya ugu sameeyeen Shan kun boqol iyo konton iyo lix (5’156) ruux oo muddo toban sano ah deggenaa magaalada Stockholm.

Charlotta Eriksson oo ka mid ahayd cilmi-baadhayaasha maxadkan ayaa tidhi, “In qofku uu la noolaado buuq iyo sawaxan badan ayaa keenta in ballaca calooshiisu ay korodho 6 Sentimitir, marka la barbar dhigo dadka dhigggiisa ah ee ku nool meelaha jabaqdu ku yar tahay” Eriksson waxa uu sheegay in sawaxanka iyo guuxa diyaaraduhu uu keeno in uu kor u kaco hormoonka lagu magacaabo Cortisol oo isagu jidhka ku bata marka uu qofku dareemayo xaaladda nafsiga ah ee diiqadda, iyo guud ahaanba culayska nafsiga ah, sababna u noqdo buurnida. Iyada oo guuxa diyaaraduhuna uu sabab u noqdo in hormoonkaasi jidhka ku bato