1 Qof Ayaa Ku Dhintay 36 Kalana Way Ku Dhaawacmeen Qarax Ka Dhacay Nairobi

1
991

 

GEESKSNairobi (Geeska) Sida ay sheegeen boolisa dalka Kenya waxaa dhintay hal qof, halka uu dhaawac soo gaadhay 36 qof oo kale, kadib markii ay qaraxaday taanka dhulka hoostiisa ah oo lagu kaydiyo shidaalka oo ku yaalay  badhtamaha magaalada Nairobi.

Waxaa sidaasi saxaafada u sheegay masuul magaciisa ku sheegay Julius Ndegwa oo ka qayb qaatay samata bixinta dadkii uu dhibku soo gaadhay, waxaanu yidhi “dadkii ku dhintay dhibka waxaa la geeyey cisbitaalka”

Ndegwa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in aanay hubin sababta keentay qaraxan, waxaanu intaas raaciyey “ugu yraan lix qof ayaa gubtay oo mid ka mida waxaa aad u liidata xaaladiisa” waxa uu sidaas ka ag sheegay goobta uu ka dhacay qaraxu isaga oo niyad jabsan.

Dad kale ayuu dhaawac ka soo gaadhay guryihii ay ku hoos jireen, kadib markii ay dhulka soo galeen daaqado u badnaa muraayado, waxaana jira wali baadhitaan ay wadaan kooxaha gurmadkak deg deg ahi.

Ilaa hada dawlada Kenya ayaan xog faah faahsan ka soo saarin sababta keentay qarax keydka shidaalka ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca, in kastoo lagu wada in saacadaha soo socda laga helo xog faah faahsan.

 

Wargeysa Geeska Afrika

 

 

 

 

 

 

Comments are closed.