Kaga Cibro Qaado Colaadda Uu Shaydaanku Kuu Hayo: Iblays Oo Nin Muumina Geeri Ka Badbaadiyey Iyo Sababta

0
773

Hargeysa (Geeska)- Sheekooyinka Xiisaha badan ee muujinaya inta ay le’egtahay cadaawadda Iblays uu u qabo Bani’aadamka ayaa ay ka mid tahay qisadan oo uu Geeska Afrika maanta u soo turjumayo akhristayaashiisa uu qaddariyo. Nina aad u Iimaan badnaa ayaa maalin, maalmaha ka mid ah si uu qorraxda uga yara nasto waxa uu hoos seexday gidaar aanu ogayn in uu gaboobay oo uu ku siganayo in uu dumo. Markii uu ninkii Muuminka ahaa waqti aan badnayn hurday ayaa uu ku baraarugay nin dul taagan oo toosinaya, “Waar dhakhso u kac. Gidaarka aad hoos jiiftaa waa uu dumayaa ee…” ayaa uu ninkani ku lahaa. Ninkii iimaanka badnaa isaga oo naxsan ayaa uu booday, nasiib wanaagna isla markii uu kacay ee uu yara durkay, ayaa uu gidaarkii si dhamaystiran u dumay, laakiin isagu waa uu ka badbaaday, gidaarkaas oo qaybo badani ay ku dhacday halkii uu hurdayba.

Ninkii Muuminka ahaa isaga oo aad u faraxsan ayaa uu u mahad naqay ninkii toosiyay, ee uu Alle sabab uga soo dhigay badbaadadiisa, weliba intaas kagama uu hadhin ee waxa uu ku yidhi, “Waar niyahaw waa aad I badbaadisay ee isu kay sheeg, Yaad Tahay? Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Anigu waxa aan ahay IBLAYS” Muuminkii oo aad u yaaban ayaa yidhi, “Iblays aa…! Oo maxaad ii badbaadisay adiga oo ah cadawga ugu wayn ee dadka muslimiinta ah” Iblays waxa uu ugu jawaabay, “Ninyahaw haddii aanan ku toosin lahayn, oo inta uu gidaarku kugu soo dumo aad dhiman lahayd, waxa aad noqon lahayd Shahiid, Jannada ayaanad geli lahayd. Anna shaqada ugu wayn ee aan hayaa waa in aan Jannada idin waydaariyo”