Cirro iyo Baashe Oo Ka Warbixiyay Safar Ay Ku Tageen Wadanka Itoobiya “Cabdicasiis Samaale Iyo Muuse Biixi Marka ay isku soo muruxsadaan ayaan talin doonaa”oo

0
447

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) iyo wafti uu hogaaminaayo oo maalmahii u danbaysay socdaal ku joogay dalka Itoobiya, ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.waxaana uu ka warbixyey kulamo ay la soo yeesheen madaxda dalka Itoobiya iyo sida oo kale diblomaasiyiin ka soo jeeda dalalka reer galbeedka.xili ay halkaasi u tageen ka qayb galka xuska maalinta qoomiyadaha dawlada Itoobiya oo ay marti qaad ka heleen madaxda dawlada Itoobiya.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), oo warbaahinta kula hadlaayey qolka nashada ee madaarka Hargeysa, ka dib soo dhaweyn balaadhan oo ay hogaanka sare ee xisbiga WADDANI,haween,dhalinyaro,iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan. Ayaa ugu horeyn waxaa uu ka warbixiyey u jeedada safarka ay ku tageen dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in uu aad ugu mahad celinaayo madaxda dawlada Itoobiya sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen.

"Safar Shaqo oo ah marti qaad rasmi ah oo aanu ka helnay Baarlamaanka Itoobiya,oo ah xaflad sanad walba la qabto oo ah maalinta qoomiyadaha ee dalka Itoobiya, munaasibadaas oo ah maalin aad loo weyneeyo oo dhamaanba madaxda qaranka dawlada Itoobiya ay ka soo qayb galaan iyo Kililaduba,waxaa kale oo lagu marti qaada wadamada ay jaarka yihiin.Sanadkana waxaa lagu qabtay gobal fog oo xuduudka Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeya oo ahna meesha laga dhisaayo dhaamka weyn ee biyo xidheenka dalka Itoobiya ay hada wado.waxaa kale oo ka soo qayb galay madax badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Suudaan Raysal wasaarayaal fara badan iyo masuuliyiin kale oo aad u badan, sida oo kale inta badan safaaradaha jooga magaalada Adis ababa dhamaantood waa ay ka soo qayb galeen. Xafladaas iyo xaflado kale oo ka sii horeeyeyba oo dhaambka laftiisa lagu qabtay anagu waxaanu ka qayb galnay xafladii weynayd oo raysal wasaarahuna uu joogay,raysal wasaarahana salaan sharaf ayaanu isku salaanay halkii goobtii iyo madaxdii kale ee halkaas joogtay, masuuliyiin aanu shirar gaar gaar ah la galnayna dee waa ay jirtay intii ay xafladaasi socotay iyo intii aanu Itoobiya joognay ama diblomaasiyiin ha noqdaan ama masuuliyiin kaleba ha noqdaane oo dalka Itoobiya iyo dalalka kaleba ah. Intii aanu munaasibada joognayna waxaa na soo dhaweeyey wasaarada arrimaha dibada iyo baarlamaankaba runtii waanu u mahad naqaynaa,soo dhaweyn wanaagsan oo mudan oo heer dawladeedna ah ayaa nalagu soo dhaweeyey, taasina waxaa ay muujinaysaa uun in cilaaqaadka dawlada Itoobiya iyo Labada Baarlamaanba u sii koraayo, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu wadankayagii aanu ku soo noqono"Ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa sida oo kale faah faahin ka bixiyey kulamo ay intii dalka Itoobiya ku sugnaayeen ay la yeesheen qaar kamid ah diblomaasiyiinta dalalka reer galbeedka,gaar ahaan safiir ku xigeenkii hada xilka laga badalay ee dalka Ingiriiska u fadhiyey wadanka Itoobiya iyo sida oo kale guddoomiyaha baarlamaanka dalka Itoobiya,waxaana uu sheegay in guud ahaan ay ka wada hadleen sidii xidhiidhada dalalka loo sii xoojin lahaa.waxaana uu yidhi:"Sii hayaha ahna ku xigeenka safiirka dawlada Ingiriiska ee safaafada Ingiriiska ee magaalada Adis-ababa,oo runtii si weyn ula shaqeeyey Somaliland, waana aanu ka xunahay in la badalo oo waa la badalay se safarkiisii ugu danbeeyey anaguna waanu la kulanay, madaxweynahana waa uu la kulmey, markaa waa la badalay oo wadankiisii ayuu ku noqonayaa, oo waxaa loo dalacsiiyey safiir,waana aanu ku faraxsanahay safiirnimada loo dalacsiiyey,se nin wanaagsan oo Somaliland in muddo ahba la shaqaynaayey ayuu ahaa, guud ahaana waxaanu kala hadalnay uun waxay ahayd xidhiidhka labada wadan, xaalada guud ee Somaliland, iyo waxyaabaha xidhiidhka khuseeya labada wadan, doorashooyinku ka mid ayaa ay ahaayeen waxyaabaha aanu ka wada hadalnay. Guddoomiyaha baarlamaaku dee waa uu na casuumay,waxaana isaga aanu ka wada hadalnay xidhiidhka sidii loo sii wanaajin lahaa, baarlamaanku siduu u wada shaqayn lahaa, wufuud sidii laysu dhaafsan lahaa iyo waxyaale oo badan ayaanu ka wada hadalnay”.

Dhanka kalena guddoomiya ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay Md:Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in uu si gaar ah uu ugu mahad celinaayo madaxda dawlada Itoobiya oo uu sheegay in ay si heer sare ah ay u soo dhaweeyeen intii ay dalkaasi ku sugnaayeen.

“Sida uu guddoomiyahu uu sheegay shirkaas ayaanu ka qayb galnay, aad iyo aadna waxaanu ugu mahad celinaynaa dawladii Itoobiya oo si fiican noo soo dhaweysay gaar ahaan golaha baarlamaanka oo si heer sare ah noo soo dhaweeyey naguna sharfay in aanu xafladaas ka qayb galno anaga oo sanad walba ka qayb galna,tii dhaweydna kaga qayb galnay Jig-jiga,sanad walba oo ay na soo casuumaana ka aqbalna, aad iyo aad waxaanu ugu faraxsanahay in aanu dalkayagii aanu ku soo noqono".Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.