Kaftan: Gabadhu In Ay Ninka Ku Kalsoon Tahay Waxaa Lagu Marka Ay Da’deeda Runta Ah U Sheegto

0
872

Hargeysa (Geeska)- Qisadan oo ka mid ah qisaska maadayska ah ee uu wargeyska Geeska Afrika la wadaago akhristayaashiisa waxaa laga soo xigtay nin carbeed oo ah dadka hadallada xikmadda iyo madayska isku ladhan ah laga doonan jiray.

Maalin maalmaha kam id ah ayaa ninkan la weydiiyey, bal in uu ka waramo calaamadaha ay la tahay in lagu garan karo, marka ay gabadhu sida dhabta ah u jeceshay saygeeda. Ninkan oo kaftan iyo ilaaq ku tuuraya dumrka, una duur xulaya in dumarku aanay weligoodba muujisan jacaylka dhabta ah ee ay ninka u qabaan, ayaa ku jawaabay, “Gabadhu haddii ay si dhab ah saygeeda u jeclaato, waxa lagu arkaa kalsooni xad dhaaf ah oo ay u qaaddo” Dadkii aan si fiican u fahmin hadalkan maldahan ee ninka ama uba arka in uu hal-xidhaale hal xidhaale kale kaga jawaabay, ayaa su’aal ah in uu arrintan sii caddeeyo ar kale ku soo celiyey, waxa aanay weydiiyeen, “Oo Maxaa lagu gartaa gabadhu marka ay ninka kalsooni xoog ah ku qabto?!”

Ninkii ayaa ku jawaabay, “Gabadhu in ay ninkeeda ku kalsoontahay waxa lagu gartaa, keliya marka ay u sheegto da’deeda runta ah” ereyadaas oo dadkii ay ka dheegteen in ay yihiin ma dhacdo, oo uu u duur xulayo in aanay gabadhu ninka uba sheegin jacaylka ay u qabto, si la mid ah sida aanay ugu sheegin da’deeda runta ah.