Shirweynihii Heer Qaran Ee Haweenka Waddani Oo Lagu Doortay Hogaan Cusub

0
596

Picture1Hargeysa(Geeska):-Shirweynahii koowaad ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo subaxnimadii Axada ee aynu soo dhaafnay ka furmay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, illaa galabnimadii si habsami ah uga socday halkaasi, ayaa gebo-gabadii si rasmi ah loogu doortay guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeeno iyo hogaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani.

Madashan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), hogaanka xisbiga, ergooyinka garabka haweenka ee ka kala socday gobalada dalka, xildhibaano, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Waxaan ka dib codayn gacan taag ah si rasmi ah loogu doortay guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani Marwo:Ifraax Cumar Xasan oo ka socotay ergooyinka ka yimi gobalka Hawd, halka guddoomiye ku xigeenka koowaad-na loogu doortay Marwo:Foosiya Kayse Faarax oo iyaduna sida oo kale ka socotay gobalka Sool, waxaa sida oo kale halkaasi lagu doortay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee garabka haweenka xisbiga Waddani Marwo:Safiya Cumar Xasan oo ka socotay gobalka Maroodi-jeex, kana soo jeeda beelaha la hayb sooco ee Gabooye.

Shirweynahan koowaad ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani, waxaa sida oo kale lagu doortay hogaanka garabkaasi, waxaana ay kala ahaayeen xubnaha halkaasi lagu doortay.

Hogaanka Maaliyada oo loo doortay Saynab aw-Cilmi Maxamed kana soo jeeda gobalka Awdal.

Hogaanka Waxbarashada oo loo doortay Deeqa Dhamac Cabdilaahi kana soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

Hogaanka Qorsheynta oo loo doortay Muxubo Maxamed Axmed oo iyaduna ka soo jeeda gobalka Sanaag.

Hogaanka abaabulka iyo wacyi-gelinta Faadumo Aadan Cawad oo ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

Hogaanka Laamaha dibedda Nasra Ismaaciil Maxamed oo ka soo jeeda gobalka Togdheer.

Hogaanka xidhiidhka gobalada iyo degmooyinka Aamina Maxamed Xirsir oo iyaduna ka soo jeeda gobalka Togdheer.

Hogaanka cadaalada oo loo doortay Mushtaaq Ibraahim Nuur oo ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

Hogaanka xuquuqul insaanka oo loo doortay Nimco Cabdi aw-Cali, kana soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

Hogaanka arrimaha bulshada oo loo doortay Caasha Maxamed Dege, kana soo jeeda gobalka Saaxil.

Xoghayaha garabka haweenka ee heer  qaran oo iyadana loo doortay  Maryan Maxamuud Dirir oo ka soo jeeda gobalka Sanaag.

Xoghaye ku xigeenka garabka haweenka heer qaran Idil Cabdilaahi Giire oo ka soo jeeda gobalka Salel.

Afhayeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani oo iyadana loo doortay Amaal Yuusuf Cabdilaahi, oo ka soo jeeda degmada Salaxlay.

Lacaghaye oo iyadana loo doortay Amran Xaashi Cabdi oo ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

Ugu danbayntiina xidhitaankii shirkaasi, ayaa waxaa hadalo hambalyo, duco iyo dardaaran ahba ka soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Ciro, guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, waxaana ay Illaahay ugu baryeen in hogaankaas cusub uu noqdo si fiican uguta hawlaha qaran ee ay u hayaan xisbiga Waddani.