Ka Warran Haddii Sawirkaaga Laguugu Qabsado, Oo Cidda Kugu Haysatay Garta La Siiyo? Trump Bay Taasi Ku Dhaday

0
632

Shirkadda Twitter ka ayaa tirtirtay sawir uu bartiisa ku faafiyey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaddib markii uu wargeyska New York Times cabasho lahaanshiyaha sawirkaas la xidhiidha u gudbiyey shirkadda Twitter ka. Trump ayaa 30 kii bishii Juun ee sannadkan waxa uu bartiisa Twitter ka ee waa adkga eeku faafiyey qoraal u uku yidhi, “Runtii cidda ay eryanayaan aniga ma’aha ee aa adiga, anigi keliya dariiqii ay u mari lahaayeen ayaan kaga gudbanahay” kaddib waxa uu farriintiisa raaciyey sawir uu leeyahay. Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in Trump lagu qabsaday xuquuqda lahaanshiye ee sawirkaas.

Sawirka uu Trump isticmaalay waxa uu ahaa sawir uu  bishii Sabtembar ee 2015 kii Trump oo murashax madaxweyne ahaa uu ka qaaday sawirqaade ka tirsan wargeyska New York Times, kaddibna uu wargeyska uu ka shaqaynayey faafiyey.

Shirkadda Twitter ayaa sawirka ka tirtirtay barta Twitter ka ee Trump waxa aanay halkiisii ku soo qortay “Sawirkan waxaa loo tirtiray sababta dacwad ka timi ciddii iska lahayd xuquuqda lahaanshiyihiisa”

Shirkadda Twitter ma’aha markii ugu horreysay ee ay tallaabooyinkan oo kale ka qaado madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo si aad ah u isticmaala shabakaddan, hore ayaa ay uga tirtirtay farriimo uu Trump ku soo qoray, kaddib markii ay heshay cabashooyin iyo dacwado la xidhiidha xaqa lahaanshiyaha fikirka, ama in ay meel ka dhac ku yihiin siyaasadda shirkadda ee diiddan rabshadaha, colaadda iyo hanjabaadda ama sababo kale.

Bishii May 2020 ka ayaa ay shirkadda Twitter bilowday in ay tallaabo ka qaaddo farriimaha uu Trump ku faafiyo shabakadda ee meel ka dhaca ku ah xuququda lahaanshiyaha, ama xeerarka isticmaalka shabakaddan. Tan iyo markii ay shirkaddu tallaabooyinkaas adag qaadayna waxaa xumaaday xidhiidhka Trump iyo shirkadda Twitterka. Waxa aanay gaadhay in madaxweyne trump uu mar ku hanjabay in uu wax ka beddeli doono xeerarka ay dawladda Maraykanku ku dhaqdo shabakadaha xidhiidhka bulshada.

adalkaas oo dad badani hanjabaad u arkeen ayaa uu Trump kaga jawaabayey, farriin ka hadlaysay codaynta doorashada oo uu Trump ku faafiyey bartiisa, laakiin ay shirkadda Twitter ku hoos qortay farriin ay ku dhaliilayso oo hadalka madaxweynuhu qoray ay ku tilmaamtay mid aanu hubin. Mar kale ayaa ay shirkaddu dhaqso u tirtirtay farriin uu Trump ku faafiyey Twitter ka, iyada oo ku tilmaamay in uu rabshado iyo isku dhac kicinayo.

Shabakadaha xidhiidhka bulshada ee Twitter, Facebook iyo instegram ayaa mar kale si wadajir ah u tirtiray muuqaal uu Trump faafiyey oo la xidhiidhay maamuuskii loo sameeyey George Floyd oo ahaa ninkii madowga Maraykanka ahaa ee dhowaan dhintay kaddib markii uu sida arxandarrada ah askari bilayska ka tirsani jilibkiisa raqabadda ugaga qabtay. Shirkadahan ayaa markaasna sheegay in sawirka uu Trump isticmaalay uu ahaa mid aanu lahayn oo markiiba isticmaalkiisa ay ka soo cawdeen ciddii lahayd xuquuqda lahaanshiyihiisu.

Toddobaadkii horena habeennimadii Isniinta ee 5-Oktoobar 2020 kana shirkadda Twitter ka ayaa si ku meelgaadh ah u xidhay akoonka Trump kaddib markii uu bartiisa ku faafiyey e-mailka gaarka ah ee mid ka mid ah hawlwadeennada wax ku qora wargeyska New York Times, taas oo loo arkayey in uu mee kaga dhcay xuququdii gaarka ahayd ee ninkan. Trump waxa uu Twitter akoonkiisa dib ugu furay, kaddib markii uu ku qabanaaday in uu tirtiro E-mailka qoraaga ee uu soo dhigay.