Dabeecadaha Aadamaha Ee Kala Duwani Waxa Ay Ku Soo Ururaan Afar Nooc

0
697

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday, dadku dabeecad kasta oo ay kala leeyihiin in ay u qaybsamaan afar qaybood oo dhammaan dabeecadahaas midiba qayb hoos tagto. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Northwestern ayaa baadhis ay ku sameeyeen 1.5 Milyan oo qof oo dunida oo dhan ku filiqsan ayaa lagu ogaaday dadku ay yihiin afar dabeecadood uun midkood, kuwaas oo ah; Dhexdhexaad, Urursan, danayste iyo hoggaanshe.

Natiijada warbixintan oo uu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in natiijadan cusubi ay carinayso aragtiyhii cilminafsiga ahaa ee hore u jiray. Waxaana lagu wadaa in natiijada daraasaddani ay faa’iido u noqoto ganacsatada iyo maamulayaasha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo rayidka labadaba. Waxa kale oo ay natiijadani caawinaysa dadka bixiya adeegyada daryeelka caafimaakda guud.

Qaybintan afarta ah ee ay xeeldheereyaashu u qaybiyeen dadka waxa ay ka eegayeen shan dabeecadood oo bani’aadamku dhaqan u leeyahay. Kuwaas oo kala ah; Furfurnaanta qofka, baraarugsanaanta iyo dhugmada maskaxda, damiirka, qalbi furnaanta, dabacsanaanta acsaabta. Haddaba afarta nooc ee ay shakhsiyadda aadamuhu dhammaanteed u qaybsantaa waa:

  1. Qof isku ururiya masuuliyadaha, kana fikira in hawl kasta iyo dhibco kasta oo soo kordha naftiisa ku ururiya. Waa qof hindise badan, waxa uu jecel yahay in uu isagu hoggaamiyo cidda ku xeeran, iyo in awooddiisa iyo taladiisa uu dadka kale oo dhan hoos keeno, ma jecla in uu isagu noqdo raciyad iyo cidda la hoggaaminayo.

Laakiin dhinaca fiican marka aynu ka eegno waa shakhsiyad aan ka waaban in uu waxa saxda ah sameeyo iyo in uu khaladaadka saxo xitaa haddii uu yahay khaladaad uu isagu sameeyey.

  1. Shakhiyadda labaad ee aadamuhu yeeshaa waa in uu noqdo ruux lafagurka iyo falanqaynta arrimaha ku fiican; marka arrin loo sheegayo ama qorshe loo bandhigayo waxa uu jecelyahay in faahfaahinta oo dhan loo raaciyo, xitaa tafaasiisha aadka u yaryar, adiga oo weliba caddaymo iyo marag xujo u yeelaya waxa aad sheegayso.
  2. Shakhsiyadda afaraad waa qof ku fiican cabbisrista, waxa uu leeyahay tilmaamo badan ooh al-abuurnimo, waxa uu ceeb u leeyahay in go’aanada uu gaadhayo u uku saleeyo dareenkiisa. Si kastaba ha ahaato ee talada iyo aragtida ka soo horjeeda in uu dhegeysto diyaar ayaa uu u yahay.
  3. Shaakhsiyad kalgacal lagu yaqaanno, waa qof dadka ururiya oo inta badan ay jacayl iyo xidhiidh diirran ku yaqaannaan. Dadka ku xeerani inta badan kalsooni yaaa ay u qaadaan. Waxa uu jecelyahay hawlwadaagga iyo iskaashiga. Waa qof jecel in uu dadka caawiyo, laakiin aad uga fogaada is miidaaminta iyo in u uku dhowaado wax kasta oo khatar noqon kara.