Ka Faa’idayso Dhakhtarka: Talooyin Iyo Xog Anfacaysa Ruux Kasta Oo Doonaya In Uu Miisaanka Iska Dhimo (2)

0
650

1Qatar (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa ugu soo koobayaa talooyin iyo xogo anfacaya ruux kasta oo doonaya in uu miisaanka iska dhimo, kuwaas oo uu Dr. Raa’id Al-Calaawiyn ka sii daayey Barnaamijka Ciyaadatul-Jasiirah (Rugta caafimaad ee Al-Jasiira) oo ka baxa talefishanka caanka ah ee Aljazeera qaybtiisa carabiga.

– Kiriimada iyo dawooyinka la isku dhuubo Ayaa uu iyagana Dr. Raa’id Al-Calaawiyn sheegay in aanay waxba ka tarin dhimista miisaanka, gaar ahaan kuwo hadda dunida aad looga isticmaala oo keena shuban iyo matag dadku aaminsan yihiin in caloosha ay faaruqinayaan si calooshu ay u yaraato.

– Inta badan waxaa dhacda in marka uu miisaanku si dhaqso ah qofka muddo gaaban gudaheed uga dhaco uu keeno in haragga oo markii hore kala baxay hilibka fuulay awgeed uu markan noqdo harag madhan oo soo laalaada, gaar ahaan kilinkillooyinka hoostooda, laabta, caloosha iyo tar-tarrada, sidaa awgeed sida ugu fiicani caafimaad ahaanna wanaagsani waa in miisaanku si tartiib-tartiib ah u dhaco oo weliba uu jimicsi ku dhaco si uu haraggu dib ugu ururo.

– Xaddiga Miisaanka ugu fiican ee ay tahay in qofku uu ridaa waa in uu Kiiloogaraam badhkii illaa laba kiiloo rido Toddobaadkii.

– Arrinta xiisaha leh ee uu ka hadlay Dr. Raa’id Al-Calaawiyn ayaa ahayd sababta keenta in dadka qaar iyaga oo cunto aad u badan cunaya haddana aanu miisaan badani fuulin, halka qof la mid ah oo inta ay jimicsadaan in le’eg jimicsada cuntada uu cunaana ka yar tahay uuu miisaanku si aad ah u fuulo. Waxa aanu Digtoorku arrintaas ku xidhiidhiyey dhinaca unugyada abuurka ah ee qofka, tusaale ahaan tirade unugyada dufanka ee jidhka ku jira. Waxa aanu xusay in ay dhacdo in marka uu qofku carruurnimada ku buuran yahay ay bataan unugyada dufanka ee jidhku, taasna ay sababto in marka uu weynaado uu u nuglaado in uu miisaan si dhaqso ah isaga fuulo. Taas macnaheeduna waa in dadka marka hore miisaanku kala qaban og yahay sababahaas aynu xusnay awgood.

– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu hooyo kasta kula taliyey in marka ay umusho si aanu miisaan u fuulin ay ku dadaasho in ay xakamayso nidaamkeeda cunto oo ay marto hannaanka caafimaadka qaba ee cunta qaadashada, iyada oo ka fogaanaysa macaanka, waxa aanu sheegay in arrintaasi ay hooyada ku ilaalinayso miisaankeeda dabiiciga ah. Haddii aanay sidaas yeelinna ay halis u tahay in umusha uu hilib badani ku fuulo.

– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu sheegay in qofka oo mara Rajiim ama nidaam miisaan dhimiseed oo aan cilmiyeysnayn ay ku keento daal iyo burbur joogto ah, saamayn taban oo la arki karana ku yeelato xusuustiisa.