Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Amiirad Diana Iyo Doodi Faayid- Riyadii Rumoobi Weyday

0
603

Qisadu waxa ay soo bilaabmatay markii Milyanneer reer Masar ee Maxamed Alfayid iyo Xaaskiisa Labaad ee Heyni, ay Bishii Julaay 1997kii, Amiirad Diana iyo labadeeda wiil ee amiirrada ah waa William iyo Harry si ay nasashada fasaxooda ugu qaataan Filladan, Amiiradduna ay aqbashay ee iyada iyo labadeeda wiil qolka martida muddo deggenaayeen. Halkaas ayaa uu ka dhacay kulankii huriyey dhimbiishii u horreysay ee caashaqii Diana iyo Al-Faayid, Milyanneerku waxa kale oo uu gurigan raaxada ku soo casuumay wiilkiisa markaas 42 jirka ahaa ee Doodi Al-Faayid, in kasta oo aanay markaas wax aqoon ah isu lahayn wiilka iyo Amiiraddu.

Kulankii koobaadba kalgacal ayaa mid kastaa gaarkiisa u dareemay, waxaana halkaas ka bilowday xidhiidhkaas Amiiradda iyo Maalqabeenka wiilkiisa Doodi, sheeko iyo isfaham intii fasaxa dhex maray ayaana sababay in Diana ay mar dambe oo toddobaaddo yar gudahood ah iyada oo kelideed ah ay ku soo noqoto dhismahan oo weliba ay isla gaar noqdaan Doodi. Muddo ayaa ay deggenaayeen, kadib doonni kuwa raaxada ah oo isla qasrigu lahaa ayaa ay wada kaxaysteen si ay tamashle badda ah ugu soo wada raaxaystaan.

Bishii Siddeedaad 22-keedii (Ogosto 1997) xidhiidhka lammaanahani bannaanka ayaa uu u soo baxay kadb markii la faafiyey sawirro si qarsoodi ah looga qaaday Doodi iyo Amiirad Diana oo is-habsiiyey intii ay ku gudo jireen safarkoodii tamashlaha ahaa ee labaad ee ay badda ku tagaan.

Dhammaadkii riyada:

Waxa uu hareer fadhiyey Amiiraddiisa quruxda badan ee Diana, isaga oo dhegeysanaya aadna u dhuuxaya midhaha heesta caanka ah ee uu allifay Abwaanka Carbeed ee Nazaar Qubbaani oo ay ereyadeeda ka mid yihiin, kuwo macnahoodu noqonayo, ‘Marwooy jacaylkaagu waxa uu i baray in aan sida dhallaanka u dhaqmo, inta aan tamaashiir qaato in aan wejigaaga gidaarrada ku xardho’ Kursiga dambe ee gaadhiga gaarka ah ee Doodi ayaa ay fadhiyeen , xawaaare aad u sarreeya ayaa uu gaadhigu kaga soo dhaqaaqay hudheelka Ritz oo ah hudheel raaxo oo dunida caan ka ah, jirayna tan iyo sannadkii 1898kii ee magaalada Paris. Waxa ay ku socdeen guriga Doodie e gaarka ah oo isagana ay haayadda Qaramada Midoobey ee UNESCO ay u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay aataarta taariikhiga ah ee dunida, oo dhowr mitir uun u jira hudheelka Ritz oo uu Doodi casho sharaf ku casuumay Amiiradda oo dhowaantaas ka soo noqotay safar ay ku tagtay jasiiradda Sardinia ee dalka Talyaaniga. Darawalka gaadhiga oo ahaa Henri Paul, hareertiisana uu fadhiyey Rees Jones oo ahaa waardiyihii gaarka ahaa, waxa uu isku dayayey in uu ka baxsado kamaradaha sawir-qaadayaasha tirade badan ee baacsanayey si ay u sawiraan Amiiirada iyo jacaylkeeda Carabka Muslimka ah ahaa si ay uga qaataan sawir.

Doodi Al-Faayid oo magaciisa runta ahi yahay Cimaadu-ddiin Muxamed Cabdalmuncim Al-Faayid, magaalada Iskandariya ee dalka Masar ayaa uu ku dhashay 15kii Abriil 1955kii. Waxa uu galay Maxadka La Rose ee dalka Switzerland, waxa kale oo uu ka qalinjebiyey Akademiyadda Millateriga ee boqortooyada oo xarunteedu tahay England, Al-Fayed oo dhinaca kalana istay shahaado Diblooma Maaraynta Ganacsiga ahi wawxa uu markii dambe galay filimada, gaar ahaan alifidda waxa aanu soo saaray filimo badan.

Doodi Alfayid waxa uu hareer fadhiyey Amiirad Diana isaga oo aan dareensiin xawaaraha ku-talax-tagga ah ee uu darawalkiisu gaadhiga ku waday, waxa aanu ku mashquulsanaa in ereyada heesta Carabida ah ee u baxaysay oo sida muuqata dareenkiisha iyo xiisaha jacayl ee uu Amiiradda u qabo cabbiraysay uu Afingiriisi ugu turjumo Diana. Aad baa uu u faraxsanaa waxa aanu ku qanacsanaa caashaqa Diana oo qudheedu jacaylka ay u qabto laga dheehan karo sida ay nafteeda iyo dhaqanka bulshadeedaba ugu hurtay in jacayl la qaado wiil carbeed, oo Muslim ah, oo miskiin deggen ah, nin dhoolla caddaynta quruxda badan ee carruurta oo kale leh, sida ay iyaduba ku sheegtay buuggeedii xusuus-qorka, waxa ay raadinaysay in ay rumayso riyo ay muddo dheer la’ayd, kadib markii ay dishootay nolol wehel la’aan, qariibnimo iyo wiilasheedii ay ka fogtahay ku heshay kadib markii ay kala tageen Amiir Charles ee ay beenowday riyadii ay ka lahayd jacaylkiisa. La soco…