Jacaylku Waxa Uu La Mid Yahay Maandooriyaha Oo Ay Maskaxda Si Isku Mid Ah U Wada Firfircooneysiiyaan

0
637

dddNew York (Geeska)- Daraasad cusub oo ay dhowaan sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Stony Brook ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in saamaynta jacaylku ku yeesho maskaxda qofku ay aad ugu dhow dahay saamaynta uu maandooriyuhu ku yeesho maskaxda, qofka jacaylka hayaana uu shabbaho qofka maandooriyaha qabatimay.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in sababtu ay tahay raadka uu jacaylku ku yeesho maskaxda oo meelo door ah kala mid ah raadka maandooriyuhu ku yeesho, tusaale ahaan Jacaylku waxa uu xoojiyaa firfircoonida qaybo ka mid ah maskaxda oo qaabilsan hawlaha la xidhiidha xiisaha, doonista iyo dareenka jinsi, taas oo sidaa si la mid ah maandooriyuhuna u firfircooneeyo. Waxa aanay si gaar ah hoosta uga xariiqeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo xiisaha lagu yaqaanno marka dadka la qabsaday maandooriyaha Cocaine ay waayaan waqtigii ay u barteen isticmaalkiisa iyo marka uu qofku la kulmo diidmo ama wacad fur jacayl xiisaha maskaxdiisa ugu beerma qofka uu jeclaa ee diiday.

Cilmibaadhistan oo tijaabadeeda lagu sameeyey 15 arday jaamacadeed ah oo markaas uun ay ku dhaceen duruufo jacayl oo taban waajahay kadib markii qofkii ay jeclaayeen uu ka goostay ama ka dal doorsaday, laakiin weli ay jacaylkii iyagu u dhankooda uga qabaan, baadhitaan dhinaca kombiyuutarka ah oo lagu sawiray maskaxda ardayda iyo habka ay u shaqaynayso, iyada oo si gaar ah loo eegay ardayda weli rajo ka qabta in uu soo noqdo xidhiidhka jacayl ee ka xumaaday, sawirrada qofka ay jeclaayeenna la tusayo, waxaana si cad sawirrada kombiyuutarka uga soo muuqday in qaybaha maskaxda eek a masuulka ah shaqada la xidhiidha jacaylka iyo arrimaha Roomaansiga ahi ay yihiin isla kuwa firfircoonaada qofka maandooriyaha qabatimay, ama dareenka jinsi ee xooggani hayo, sidoo kale waxa ay qaybahan maskaxdu firfircoonaadaan marka uu qofku qabo xanuun iyo kaar badan ama garaac jidhka ah.