Dal Mamnuucay In Macallimiinta Iyo Ardaydu Ay Ku Xidhiidhaan Shabakadda WhatsApp Iyo Sababta Keentay

0
572

hhhhhRiyaad (Geeska) Wasaaradda waxbarashada ee dalka Sucuudiga ayaa soo saartay go’aan mamnuuc ka dhigaya in ardayda iyo macallimiintu ay ku xidhiidhaan bogagga internet ka ee lagu magacaabo bar-kulannada bulsho, kuwaas oo ay ka mid yihiin WhatsApp, Telegram, facebook iyo kuwa kale ee la midka ah. Wasaaradda oo caddaysay in go’aankeedani aanu ahayn inta dugsiga gudihiisa la joogo oo keliya balse uu mamnuucayo in xitaa xilliga dugsiga laga maqan yahay ay habkan ku xidhiidhaan macallimiinta iyo ardaydu, waa aanay u cuskaday xeer sharci oo dalkaas uga yaalla kormeerka iyo la socoshada xidhiidhka u dhexeeya ardayga iyo macallinkiisa.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska A-Sharq ee ka soo baxa dalka Sucuudigu waxa uu intaas ku sii daray in amarkani aanu ku koobnayn macallimiinta balse guud ahaanba shaqaalaha wasaaradda waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyadu ay ku jiraan. In kasta oo ay jiraan macallimiin go’aankan u aragta mid cadaalad darro ah, aaminsanna in aanay wax dhibaato ahi ku jirin in ardayga iyo macallinkiisu ay ka xidhiidhaan bar-kulannada bulshada ama in uu mid kastaa boggiisa ku darsado (Saxiib) ka dhigto kan kale, haddana arrintan waxaa soo dhoweeyey macallimiin tiro badan oo ku doodaya in ay tahay hab fiican oo macallin ka ilaalinaysa in uu mushkilado kale lugaha la galo, kuwo kalana waxa ay ku doodeen in ay fiican tahay in go’aanku uu ku koobnaado inta la joogo gudaha dugsiga ama saacadaha waxbarasho iyo shaqo socdaan uun.

Macallin lagu magacaabo Khaalid Sannaani oo isagu ka mid ahaa kuwa taageersan go’aankan ayaa mar la weydiiyey sababta waxa uu ku sheegay warkan uu Geeska Afrika turjumay in ay dhacday in macallimiinta qaar, gaar ahaan kuwa dugsiyada hoose ay waalidiin iyo dad ka mid ah ehellada ardayda ee ay lambarradooda hayeen kala xidhiidheen WhatsApp ka iyaga bilowga hore ujeedku yahay in ay la socodsiiyaan xaaladda ardayga, laakiin mararka qaar ay dhacdo in macallinka iyo qofka ardayga qaraabadiisa ah ee uu la xidhiidhayaa siyaabo kale isu fahmaan ama wax ka baxsan waxbarashadu dhex marto, gaar ahaan marka qofka ardayga qaraabadiisa ahi yahay gabadh aan weli xaas lahayn. Waxaa iyaduna jira dareen ah in ardayga macallinkiisa habkan kula xidhiidhaa uu aakhirka xidhiidhkan u fahmayo mid caadiya oo saaxiibtinimo meeshana uu ka baxayo ixtiraamkii saxda ahaa ee looga baahnaa iyo xidhiidhkii karaamaysnaa ee u dhexeeyey. Waxaa iyaguna jira waalidiin go’aankan dhaliilay oo ku doodaya in habkan ay marar badan iyaga qudhoodu kula soo xidhiidhaan macallimiinta iyaga oo ka doonaya faahfaahin la xidhiidha waajibaadka waxbarasho ee ardayga iyo xaaladdiisa guudba.