SABOOLNIMO! Maxaa Sababa, Sideese looga Gaashaaman karaa? W.Q Mustafe A. Muse

0
1329

555Saboolnimadda ama Faqrigu dhibaato weyn ayuu ku hayaa Aadamaha, sidaas awgeed, dhammaan shucuubta adduunku, haddii ay noqoto qaran, qoys iyo shakhsiba waxa ay had iyo jeer heegan ugu jiraan in ay ka feejignaadaan ama ka baxaan Saboolnimada, laakiin waxa aad moodaa in xalalkii lagaga baxayay faqriga aynu seegganahay, Illaahayna (SWC) Qur'aankiisa ayuu inoogu sheegay. Qorshayaal iyo Hindisayaal ay sameeyeen dalalka iyo hay'addaha adduunka ugu tunka weyn oo ku saabsan tallaabooyinka FAQRIGA lagaga baxo, waxa ay dhinacnaba u dhaafi waayeen xalka uu Illaahay ugu talogalay in FAQRIGA lagaga bixi karo.

Tusaale, Barnaamijyada Dood-wadaagga ah ee adduunka ugu magaca-dheer oo ay baahiso warbaahinta ugu faca-weyn caalamka, waa BBC-da, qaybteeda la daawado ee dibadda la hadasha (BBC World Service – The World Debate) ayaa dood aad u xiiso badan oo ay baahiyeen sannadkii 2012-kii waxa ay cinwaan uga dhigeen "Maxaa Sababa Faqriga" ama "Why Poverty".

Dooddan waxa ka qaybgalay siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahano, dhaqaaleyahano, qorayaal iyo mas'uuliyiin ka socday ama ka soo shaqaysay hay'addaha lacagta iyo baananka adduunka, sida World Banka, IMF iyo G8. Dhammaan mas'uuliyiintaas iyo khubradaas oo sheeganayay in ay waayo-aragtimo ku filan u leeyihiin dhibaatooyinka faqriga adduunka, gaar ahaan dalalka lagu sheego dunidda saddexaad oo ay Afrika ugu horayso waxa ay ku lafo-gureen oo gunaanadkii ay isku raaceen dhawr qodob oo ay ku sheegeen in ay bud-dhig u yihiin faqriga, kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen labadan qodob:

(a) Sinaansho la'aan dhinaca khayraadka iyo awoodaha ah (Inequality of resource and power). Iyaga oo isku raacay in dad kooban ka faa'iidaysteen khayraadkii, awooddii iyo dhaqaalihii (Oligarchy). Arrintaasina waxa ay keentay in dadkii tujaarta ahaa ay sii taajiraan, halka dadkii saboolka ahaana ay hoos u sii socdaan. Dalalka ay ku tilmaameen in ay summad u yihiin SABOOLNIMADA waxa ugu horeeya India oo ay ku sheegeen Jamhuuriyadda Saboolnimadda (The republic of Poverty).

(b) Musuqmaasuqa (corruption) oo ay ku sheegeen in uu fududeeyay hannaanka maamul iyo sharci ee dawladaha saboolka ah oo daciif ah ama aan jirinba. Taasina waxa ay keentay in dadka awoodda hayaa iyo inta galaangalka u leh ay noqdaan kuwo isku-shushubta khayraadka iyo dhaqaalaha ka soo xaroodda ilaha dhaqaale. Arrintani waa waxyaabaha ugu badan ee keena caddaalad-daradda, shaqo-la'aanta iyo dagaalada.

Haddaba, qoraalkan kooban waxa igu kalifay markii aan dhagaystay tafsiirka aayado ku jira Qur'aanka oo uu Illaahay kaga jawaabay waxyaabaha Saboolnimadda keena iyo tallaabooyinka lagaga bixi karo oo aad moodo in qaar ka mid ah dalalka horumaray ay ka faa'iidaysteen sida Scandinavians, Canada iwm, laakiin nasiib-daro dalalka Islaamka oo aynu ka mid nahay aanay dabaqin ama fahmin.

In Faqrigu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ifka ka jira waxa qiray Rasuulkeenii suubanaa (NNKH), in badana rasuulku waa uu ka magan-galay Illaahay (SWC). Sidaas awgeed, halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa fahankayga tafsiirka aayadahaas uu Illaahay sheegay in ay xal u yihiin saboolnimada haddii la dabaqo, sababna u yihiin Saboolnimada haddii la baal- maro ama la dafiro. Aayadahaas waxa ka mid ah shan ayaadood oo Allaah (SWC) kaga waramaya Suuratul Fajri oo macnahoodu uu noqonayo sidan:

(16) Banii Aadamka marka uu Illaahay ku imtixaano risiq yaraan (saboolnimo) waxa uu odhanayaa ‘Illaahay wuu i dulleeyay’. Laakiin Illaahay waa uu diiday sheegashadaas aan salka iyo raadka toona lahayn, waxa aanu ku jawaabay in uu isagu – Banii Aadamku – sabab u yahay kadib sababahan: (17) Agoomaha oo aydaan karaamayn ama xaqii ay lahaayeen aan la siin. (18) Quudinta dadka saboolka ah ama baahan oo aydaan isku dhiirigelin. (19) Dhaxalka oo nidaam khaldan lagu cuno, dadkii xaqa u lahaana la baal-mariyo iyo (20) Maalka ama hodonntinimada oo aad aad u jeceshihiin iyo adduunyada oo laga door-bido aakhiro.

Saddex aayadood oo kale oo ku jira Suuratu Duxaa, ayaa Allaah (SWC) waxa uu ugu manno sheeganayaa Nebi Muxammed (NNKH), waxaan aayadahaas macnahoodu ay noqonayaan: (7) Waxa aanu ku helnay adiga oo sabool ah, dabadeena waxa aanu kaa dhignay qani (isku-filnaansho). Sidaas awgeed, (8) Agoonka awood ha u sheegan ama ha qasbin, oo loo jeedo in maalkiisa iyo hantidiisa in aan xaqdaro lagu qaadan, haddii uu baahan yahayna la kafaalo-qaado. (9) Qofka wax ku waydiistana (Saboolka) ha eryin, oo looga jeedo haddii aad wax hayso sii, haddii aanad waxba ku dhaamina hadal wanaagsan ku dheh, waayo hadalka wanaagsan waa sadaqo.

Waxa kale oo jira axaadiis iyo aayado tiro badan oo si faahfaahsan uga waramaya sababaha saboolnimada keena iyo daawadooda, laakiin dhawrkaas ayaadood ayuun baan soo qaatay.

Marka aad si fiican u dhugato tafaasiirta ayaadahaas Qur'aanka Kariim ah ee Illaahay kaga hadlay iyo Axaadiista rasuulkeena suuban (NNKH) ee sharaxaysa, waxa hubaal ah in labadaas qodob ee kor ku xusan – Sinaan la'aan dhinaca khayraadka iyo awoodaha ah (Inequality of resource and power) iyo Musuqmaasuqa (corruption) – uu Illaahay (SWC) si adag uga hadlay, xalkooduna cad yahay, haddii aan la iska indho-tirayn.

Guntii iyo gabogabadii, su'aalaha isweyntiinta leh waxa weeyi ummaddeena oo ah ummad Islaam ah, saboolnimaduna ragaadisay, maxaa u diiday in ay dabaqaan xalkaas uu Illaahay Qur'aankiisa ku sheegay ee dalalka aan Islaamka ahayni qireen? Imisa Agoon ayaa ummadda ku dhex dhibaataysan? Imisa qoys ayaa la il-daran xanuunka Saboolnimadda? Maxaa keenay in mas’uul kasta oo ummadda xil u hayaa uu muddo gaaban hodannimo ku sifoobo, inkasta oo aanu muddo sii calfan?….????

Akhriste mawduucan laguma soo koobi karo qoraal yar oo kooban, laakiin waxa uu u baahan yahay in si qoto-dheer loo diyaariyo, waxa aan ku martiqaadayaa cid kasta oo aragti sax ah haysa ama baadhitaano hore samaysay in ay soo bandhigaan.

Mustafe A. Muse

Kibaaro@gmail.com