Jacaylka Koowaad Oo Qofka Ka Fashilmaa Waxa Uu Caqabad Ku Noqdaa Nolosha Dambe Ee Qoysnimadiisa

0
1160

Picture9Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Escas ee dalka Ingiriiska oo dhowaan sameeyey daraasad dhinaca xidhiidhka bulshada ah, ayaa sheegay xasuusaha maskaxda uu ku reebo jacaylka ugu horreeya ee uu qofka ka fashilmaa in ay carqalad ku noqdaan nolosha jacayl iyo xidhiidhka qoysnimo ee qofku mustaqbalka galo. Sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, daraasaddan waxa diyaariyey maxadka baadhitaannada cilmiga dhaqaalaha iyo bulshada oo ka tirsan jaamacadda Escas oo soo saartay buug si faahfaahsan u qoraya daraasaddan.

Wargeyska Daily Mail waxa uu sheegay in natiijada daraasaddani daah-furtay in dadka jacayl qoto dheer oo hore uu ka fashilmay, marka ay qof labaad la dhistaan nolol cusub haddii aanay si joogto ah isugu xidhnaan isuguna deyin inay xidhiidhkooda adkeeyaan ay dhacayso in xasuusaha jacayl ee hore iyo waayihii xiisaha badnaa ee uu qofkani la soo qaatay jacaylkiisii hore ay soo laba kacleeyaan, iyo in lammaanaha is guursada iyaga oo jacaylkoodii u horreeyey uu yahay ay mar walba ka badhaadhe iyo nolol farxadeed badan yihiin kuwa is guursada iyaga oo midkood ama labadooduba ay leeyihiin taariikh hore oo jacayl.

Daily Mail ayaa Malcolm oo ka tirsan khubarada cilmibaadhista samaysay weydiisay sida ugu habboon ee ay si farxad leh ugu wada noolaan karaan lammaane leh taariikh hore oo jacayl waxa aanu ku jawaabay, "Sida ugu fiican ee ay nolol farxad leh oo waqti dheer u wadaagi karaan waa in mid waliba illaabo jacayladiisii hore.. haddii aanu meel iska dhigin xasuusaha hore ee jacayladiisii hore noloshoodu waxa ay noqon doontaa rajo xumo iyo burbur" Daraasaddu waxa ay sheegtay in lammaanaha jacayl hore ka soo fashilmay ay dhibaato badan la kulmaan marka ay ruux kale nolol la wadaagaan, sida ugu dhow ee ay duruufahaas kaga gudbi karaanna ay tahay in uu mar kasta ruuxu ku dadaalo in uu mataankiisa cusub la sameeyo ficillo iyo hadallo xiise gaar ah nafta ku beera oo maskaxda qasab kaga dhiga in ay ruuxan xasuusato marka ay kala fog yihiin, si xusuusta ruuxii kale u daciifto ama u fogaato.