Qofku Inta U Dhaxaysa Da’diisa 11 Illaa 21 Sano Waxa Uu Maraa Waqti Kooban oo Dhego La’aan Ah

0
691

Picture10Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

– Hibada dhinaca maqalka ee dumarku waxa ay la soo bilaabtaa dhalashada ilmaha, oo tusaale ahaan inanta yar ee toddobaad keliya jirtay, si fiican ayaa ay codka hooyadeed uga dhex garan kartaa codadka kale, halka wiilka da’deeda ahi aanu isagu weli codka hooyadi gaar u sooci Karin.

– Culimada saynisku waxa ay xaqiijiyeen in marxaladaha koritaanka ee ilmaha, gaar ahaan inta ay ku dhex jiraan da’da u dhaxaysa 11 jirka illaa 21ka sano, waqti ka mid ah in ay carruurta qaar ku dhacdo dhego la’aan ku meel gaadh ahi, arrintaas oo dabiici ahi, waxa ay sabab u noqotaa in is-fahmi waa uu soo dhex galo ilmaha iyo waalidka, ama macallinka ama guud ahaanba dadka uu la macaamilayo. Tusaale ahaan waxaa marar badan dhacda in muddada uu ilmuhu xaaladdan ku jiro, uu macallinku si joogto ah uga cawdo, “In aan ilmihii loo dul-qaadan karayn, in aanu dhegeysanayn waxa uu macallinkiisu u sheegayo iwm” laakiin runtu waxa ay tahay in sababta keenaysa arrintani ay tahay ilmihii oo aan si fiican u maqlayn waxan loo sheegayo, waxa aanay u baahan tahay in arrintaas macallimiinta lagu tababaro lana fahamsiiyo in xaaladdaas oo kale ay ilmaha si gaar ah ula macaamilaan, duruustana si gaar ah u fahamsiiyaan.

Culmiadda Sayniska oo arrintan sharraxay ayaa sheegaya in ilmuhu marka uu ku  dhowaado da’da qaan-gaadhka ay ku dhacdo in neerfayaasha iyo unugyada maqalka la shaqeeyaa ay korniin xooggan sameeyaan marka ay ilmaha ku soo dhowaato da’da qaan-gaadhku, taasina ay saamayn taban ku yeelato maqalka, waana sababta keenaysa khalkhalka maqalka ku dhacaya. Laakiin muddadaas korniinkani socdo kadib maqalku sidiisii caadiga ahayd ayaa uu ku soo noqdaa. Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in raggu abuur ahaanba ay ku xun yihiin dhegeysiga, gaar ahaan in aanay dhegeysan dumarka.