“Madaxweynaha Waxaan Waydiinaya Goorta Uu Dambi Noqday Sawirkaygu Kaaguna Xalaal Noqday. Wasarada Amniga Waxaan Waydinaya Raggii Jabouti Qarxiyey Hargeysa Ayay….”

0
574

Picture8Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay eedaymo dhinaca Xukuumada maalmihii u danbaysay uga imanayay uwaasi oo ku saabsanaa in qaraxyada ka dhacayey magaalada Hargeysa tan iyo intii uu bilaabmay khilaafka Xisbiga Kulmiye,waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in Madaxweynaha afkiisa ay ka soo baxdo hadalo uu ku sheegayo in dad Madaxtinimo Dalka ka doonaya ay amaan darada laga wado gudaha magaalada Hargeysa masuul ka yihiin.Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biiixi Cabdi ayaa ayaa sidoo kale ka hadlay Xadhiga Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor,waxaana uu tilmaamay in qaabkii loo xidhay wasiiirkaasi ay ahayd mid khalad ah isaga oo carabka ku dhuftay in ay ahayd xadhig siyaasi ah kaasi oo aan colaad mooyee laga helin wanaag.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa saxaafadda la hadlay, isagoo ka soo baxay kulan uu la yeeshay guurtida ergada ah wuxuu yidhi  "Maanta (Shalay) waxaa noo yeedhay Guurtida,waxa ay ahaayeen Guddi aad u balaadhan oo aan isleeyahay Lix iyo Toban ayey gaadhayeen,waxaa joogay shir gudoonkii oo isku dhan iyo Odayaashii waaweynaa ee Guurtida way noo goleeyeen nimankaasi waa ay na dhagaysteen,waxaanu kala hadalnay wixii jiray,waxaanan ka xunahay oo iyagana aanu u sheegnay,idinkana idiin sheegaynaa shacbigana u sheegaynaa in nasiib darro ay tahay oo aanu aad uga xunahay in Xisbiga Kulmiye oo is haysta ay Guurti iyo Shiciba ay u soo gurmadaan tu aanu filaynay maaha,waa tu aanu ka xunahay waxaanaanu jecelnahay in aanu hore u dhamayno waa qodob,waa qodobka labaadee aniga oo Guddoomiye ah Ragga ila socdaaba waxaanu arintaa ka taaganahay meel ah Nabad galyo,Wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo,ma sidno ficil  ma sidno erayo dhiif leh,ma sidno waxaa  baa la yeelay,wax walba dhinaca san ayaanu ka eegnaa,Saaxiibadayada aanu wada shaqaynay ee aanu in badan soo wada halgamaynay, halgan hore iyo mid danbaba ee Madaxweynaha Axmed Siilaanyo ugu horeeyo aniga iima muuqato intii aanu is khilaafnay iyo intii aanu is nidhi anaga oo ah dad wada shaqeeya ah, waxaa noo muuqata oo ka badan oo ah intaanu Guul wada gaadhnay inta aanu is afgarad gaadhnay ee aanu wax wada qabsanay horta anagu rayigaas ayaanu ka duulaynaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Guurtida waxaanu u sheegnay oo aanan imika halkan ka wada akhriyi karayn sidii ay noogu muuqatay waxa dhibaatada keenay oo ay kow ka tahay shirweynihii Xisbiga wixii uu go'aamo gaadhay oo aan lagu darin go'aamo aan jirin dhibta koowaad halkaas ayaa ay ka kacday dhibtaa waxaa ku xigay markii aan anigu idhi waxaan ahay murashax,dagaal cir iyo dhul ah ayaa la qaaday oo uu Madaxweynuhu qaaday iyana meesha may qabanayn intaasi waxaa ku xigay dhibaatooyin ka dhashay oo dadbaa la xidhay,dhiigbaa daatay khilaaf horla oo kii horaa ka yimi saddexdaa qodab oo kaliya ayaanu ka hadalnay"

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biiixi Cabdi ayaa isaga oo ka hadlay  Xadhiga Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor, waxa uu yidhi  "Ta koowaad dadka dhibaatada loo gaystay ee la xidhxidhay waxaanu leenahay waa khalad waana in gafkaa la saxaa oo dadka xuquuqdoodii loo soo celiyaa Tusaala ahaan sidiisaba Xadhiga Siyaasiga ahi ee Wasiirkii hore ee Amniga somaliland Cabdilaahi Abokor,xadhiga la xidhay waa xadhig siyaasi ah,waxaanan ognahay xadhiga siyaasiga ahi Colaad iyo nac mooyee wanaag ma keeno waxaanu leenahay waa khalad ee halaga noqdo, waxaa iyana dhibaato labaad ah habkii loo qabtay ee Gurigiisa loo galay qof walba oo daawaday dhaawaca naxdin iyo fool xumaba waa ay ugu filan tahay Somaliland,cidii Talaabadaa qaadayna waa ay u badheedhay waayo waa la qaban karaayey oo si Nabadgalyo ah ayaa loo qaban karaayey,waxaan maqlaayey Gurigiisa ayaa hub lagu qabtay, Guri walba hub ayaa yaala,waxaan leeyahay halkaasi waa arin godob weyn dhali karta oo halkaa taala”.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi isaga oo ka hadlaya dad loogu xidh-xidhay Sawirkiisa iyo Qarxayadii Shaanida ee habeenadii ugu dambeeyey ka dhacayey Hargeysa ayaa yidhi “Waxa la xidhay dad taageerayaal xisbiga ah oo la yidhi waxay siteen sawirka guddoomiyaha, Madaxweynaha waxaan waydiinaya goorta uu dambi noqday sawirkaygu kaaguna xalaal noqday, waxa lanagu eedeyey oo wasiirka Daakhiligu iyo Madaxweynuhu isku raaceen, oo la yidhi wax magaalada qarxiya rag madaxtinimo doonaya, waan ka xumahay in madaxweynaha afkiisa ka soo baxdo, Warancade la yaabi mayo intan uu Wasiirka danbe noqday hadalada deelqaafka wuu cadeystay, hore waxa uu u yidhi SNM Fulayaalbay ahaayeeno anaga Geesiyo ahayn oo FAQASH la joognay, waxa kale oo uu yidhi isaga oo warbaahinta u waramaya waxa uu ku faanay waxaan ahaa raggii toogtay Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ahaa, hadana wuu iga marmiwaayo wasiirbu iga dhigay, tanna ku darso raggbaa madaxtinimo Shaani ku Doonaya, laakiin waa nasiib darro in uu madaxweynihii qaranku yidhaahdo guddoomiyaha xisbiga loo nisbeynayaa shaani , anigu madaxweyne ku odhan maayo kuna nisbeyn mayo, wasaarada Amniga waxaan waydiinaya raggii jabuuti qarxiyey Hargeysa ayey ka tageen, in ay dhawr iyo laabtan cisho Hargeysa joogeen oo ay ka baxeen dhaawac iyo ceeb ka weyn oo Somaliland oo dulsaarani ma jirto, taa soo hella iyo cidii qarxisayba inta aynu inagu isku mereysanayno, madaxweynuhu wuu sharaxan yahay oo waan soo dhaweynayaa aniguna waan sharaxanahay Xisbiguna hab uu ku kala baxo ayuu leeyahay laakiin dagaal iyo idaacadii qaranka oo guddoomiyaha cayda, iyo Teelfeshinkii qarnaka oo go’aanadii Xisbulxaakimka laga siideyn waayo, xaalnoqon mayso ayaan leeyahay .”

Wuxuu Muse Biixi, taageerayasha KULMIYE ugu baaqay inaanay muranka xisbiga ka dhex jira u rogin sawir qabiil.