Jaamici Maraykan Ah Oo Saadaashiisa Doorashada Madaxweynuhu Rumoobaysay Tan Iyo Sannadkii 1984 Kii

0
855

Washington (Geeska)- Jaamici Maraykan ah oo lagu magacaabo Alan Litchman ayaa ay tan iyo sannadkii 1984 kii rumoobayeen saadaasha uu ka bixiyo doorasho kasta oo madaxweynenimo oo ka dhacda dalka Maraykanka. Mar uu arrintaas sababeynayeyna waxa uu sheegay in saadaashiisa uu ku dhiso asaas cilmiya oo ah baadhis cilmiyeed iyo lafagur uu ku sameeyo sida ay xaaladuhu u socdaan.
Alan Lichtman in kasta oo ay rumowday saadaashiisii u dambeysay ee xilligii tartanka doorashada madaxweynenimada Maraykanka, oo ahayd in uu Trumo guulaysan doono, haddana weli lama sheegi karo in ay run noqon karta qaybta labaad ee isla saadaashaas oo ahayd in Donald Trump uu khatar ku yahay Maraykanka iyo dunida oo dhanba.
Litchman oo ah bare-sare oo taariikhda siyaasiga ah ka dhiga jaamacadda Ameerika (American University) ee magaalada Washington ayaa xilligii tartanka doorashada oo ay warbaahinta iyo xarumaha rayi-ururinta ee dunida oo dhami saadaalinayeen in Hilary Clinton ay ku guulaysan doonto jagada madaxweynaha 45-naad ee dalka Maraykanka, waxa uu isagu qabay fikir kaas aad uga soo horjeeda, kaas oo mar uu faahfaahinayey ay hadalladiisa ka mid ahaayeen, “Waa biyo-kama dhibcaan in murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu ku guulaysan doono doorashada”
Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa uu intaas ku daray, in mar Lichtman la weydiiyey sababta uu u malaynayo in ay saadaashiisa run ka dhigto, waxa uu yidhi, “Dhammaan doorashooyinka madaxweynaha, waxa aynu ku tilmaami karnaa qiimayn uu shacbigu ku samaynayo siyaasadda iyo maamulka xisbiga iyo hawlgudashadiisa, aniguna waxa aan sameeyaa waa in aan la socdo siyaasadahaas iyo hawlgudashadaas xisbiga, iyo dareen-celinta bulshada ee la xidhiidha ficil kasta ama hadal kasta oo ka soo baxa.”
Lichtman waxa uu sheegay in habkan uu saadaaliyo oo ku tiirsan cilmibaadhiso uu sameeyo inta aanu go’aan gaadhin, waa habka ugu habboon, nidaamka labada xisbi. Waxa aanu mar kasta baadhis kale ku sameeyaa hadba xisbiga xilka haya oo uu mariyo baadhis 13 marxaladood maraysa. Marxaladahaas ayaa uu Lichtman sheegay in uu xogtaas ku raadiyo su’aalo kala duwan oo jawaabaha uu u helaa muhiim u yihiin xogta uu sheegi doono. Waxa aana su’aalahaas ugu mudan, ‘Xisbu Xaakimku weli golaha wakiillada ma ku haystaa aqlabiyad? Madaxweynaha hadda hayaa tartanka madaxtinimada ka gelayaa? Ma jiraan dad muhiim ah oo la garanayo oo xisbiga talada haya dhexdiisa iska soo sharrixi doona? Dhaqaalaha waqtiga gaaban (Waqtiga la joogo) ma fiican yahay? Xaaladda dhaqaale ee mustaqbalka fog ma u muuqataa in ay fiicnaan doonto? Isbeddello khatar ah oo siyaasadeed dalka ma ka dhaceen intii uu madaxweynaha hadda joogay? Ma jirtaa xaalad xasilooni darro iyo is gedgeddis bulsho? Madaxweynaha xilka haya iyo maamulkiisa intii ay joogeen wax fadeexad weyn ah oo ay la kulmeen ma jirtaa? Jab ama dib u dhac dhinaca milateriga ahi ma dhacay intii xukuumaddani jirtay?
Lichtman waxa uu sheegay in su’aalo kuwaasi ka mid yihiin uu xogtiisa ku dhiso, habkaasina uu yahay ka sababta u ah in dhammaan saadaalihii uu samaynayey tan iyo sannadkii 1984 kii ay guulaystaan. Isaga oo si gaar ah u sheegaya waxwyaabo ka mid noqon kara sababta uu xisbiga Dimuqraaddiga ee Hilary Clinton ka sharraxnayd u guulaysan waayey doorashadii uu Donald Trump helay, ayaa waxa uu sheegay in xilligii labaad ee madaxweynenimada Barak Obama ay dhaceen dhibaatooyin muhiim ahaa, kuwaas oo uu xilliga labaad aad ugaga duwanaa xilligiisii hore. Sida la ogyahay muddo xileedkiisii hore waxa ay ciidamada Maraykanku ku guulaysteen in ay dilaan Usaama Bin Laadin, hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here