Itoobiya Oo Samaysatay Diyaarada Is-Wada Ee Basaasida Loo Adeegsado

0
634

 

diyaaradaAddis Ababa (Geeska/ST)-  Xukuumadda Itoobiya ayaa la sheegay inay markii ugu horeysay awood u yeelatay samaynta diyaarada is-wada ee loo adeegsado basaasida iyo weliba xambaarida gantaalaha, sida jariiradda Sudan Tribute u sheegeen ilo milateriga Itoobiya ka tirsan.

 

Ka dib tijaabooyin gudaha Itoobiya lagu sameeyey, ayaa muujiyey awooda ay u leeyahiin u adeegsigooda hawlo kala duwan oo milateri iyo dhinaca horumarinta, ayaa la sheegay.

Diyaaradahaa oo yaala garoonka ciidamada circa ee magaalada Debrezeit, ayuu sarkaalkaa milateri u sheegay Sudan Tribune in diyaaradaha oo ku qalabaysan raadaar wax sawira, camerado iyo GPS loo adeegsanayo ilaalinta wax aka socda deegaanada fogfog, sidoo kalena ilaalinta xuduudaha.

Diyaaradahan drones ayaa xilligan loo adeegsaday duulimaadyo baadhitaan lagu samaynayey dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya ka dhisayaan Wabiga biyaha buluuga ee u dhow xuduudka Sudan.