Badhasaabka Cusub Ee Togdheer Oo Si Diiran Loo Soo Dhaweeyay

0
650

 

Picture3Burco(Geeska)-Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer , halkaasi oo lagu wado inuu Sabtida maanta kula wareego xilkii badhasaabnimo.

Badhasaabka cusub ee Tog-dheer waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay duleedka Magaaladda Burco Maayarka Burco Maxamed Muraad, Badhasaab Ku xigeenka gobolka Tog-dheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle), Taliyaha qeybta Booliska Burco Maxamed Faarax, madax-dhaqameed,cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan.,

Badhasaab Ku xigeenka gobolka Tog-dheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) ayaa sheegay inuu Badhasaabka gobolka ee cusub si niyadsami ah ugu soo dhaweynayaan gobolka Tog-dheer. Waxaanu tilmaamay inay si weyn ula shaqeyn doonaan badhasaabka loo soo bedelay.

Maayarka Burco Maxamed Muraad ayaa isna dhiciisa sheegay inay Gole deegaan ahaan la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee gobolka, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin in badhasaabka cusubi maanta soo gaadho magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay madax dhaqameed iyo cuqaal kala duwan waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin badhasaabka cusub ee gobolka loo soo magacaabay isla markaana ay kala shaqeyn doonaan dhinaca nabad-gelyadda iyo maamulka.

Badhasaabka cusub Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa si weyn ugu mahad celiyay madaxda gobolka iyo degmada Burco iyo dadweynaha sida weyn ugu soo dhaweeyay gobolka Tog-dheer, waxaanu xusay inuu filayay in sidan balaadhan loogu soo dhaweyn doono gobolka Togdheer.

Badhasaabka cusub ee Togdheer ooh ore u ahaa badhasaabkii gobolka Maroodi-jeex ayaa xilka kala wareegaya Badhasaabkii hore ee Togdheer oo xiligan loo bedalay Badhaasabka cusub ee Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir.