Agaasimaha Guud Ee Kalluumeysiga Oo Agab U Qeybiyay Kalluumeysatadda Lughaya Iyo Seylac

0
506

 

noocanHargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Cilmi Ilkacase oo ay weheliyaan agaasime waaxeedyada qorshaynta iyo maamulka iyo degmooyinka ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada iyo taliyaha saldhiga Berbera ee ciidanka ilaalada xeebaha ayaa waxa ay kulamo la yeesheen maayarka degmada Saylac Saleebaan Iidle Barkhadle iyo isu duwayaasha kala duwan ee laamaha kala duwan sida isu duwaha wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee gobolka Salal xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Saylac.

Weftigan uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada waxay kaluumaysatada degmooyinka Saylac, lughaya, tokhoshi u qaybiyeen agabka lagu kaluumaysto. Waxaanay hore ugu soo qaybiyeen agabkan deegaamada Buloxaar, Ceel Sheekh oo dhamaantood ah magaalo xeebeed. Agabkan ayaa kaluumaysatada deegaamadaas waxa ugu deeqay hay’ada bisha cas.

Maayarka degmada Saylac, Barkhadle ayaa waxa uu uga mahadnaqay wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada agabkan ay u qaybiyeen kaluumaysatada oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid xoojinaya wax soo saarka bada.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan idiinku soo dhawaynayaa magaalo madaxda gobolka Salal oo ka mida magaalooyinka xeebaha leh ee Somaliland. Waxaan masuuliyiintiinan uu hogaaminayo agaasimaha wasaarada kalluumaysiga oo ka mida wasaarada shaqaalahoodu ku sugan yihiin halkan.

“Waxaan idiinka mahadnaqayaa agabkan kalluumaysi ee aad na soo gaadhsiiseen oo ah mid xoojinaya wax soo saarka gudaha,” ayuu yidhi maayarka Saylac Saleebaan Iidle Barkhadle.