Isticmaalka Ereyga ‘Lol’ Ee Dadka Facebook Ku Sheekaystaa Ay Qosolka Ku Cabbiri Jireen Oo Yaraaday

0
779

Picture10Washington (Geeska)- Sahamin dhowaan ay samaysay shirkada Facebook ayaa lagu ogaaday in ereyga Lol oo caadi ahaan dadku marka ay ka sheekaysanayaan facebook ay u isticmaalaan in ay ku muujiyaan qosolku uu hadda isticmaalkiis hoos u dhacay. Sahamintan Facebook ay samaysay waxa ay muujisay in dadka facebook ku sheekaystaa ay boqolkiiba 51 marka ay isticmaalayaan bar-kulannada bulshada qosolkooda ku cabbiraan ereyo ay ka mid tahay Haha.

Warbixin ay shirkadda Facebook soo saartay baadhistan kadib oo cinwaankeedu ahaa, “Luuqadda qosolku aad caalami uma aha’ ayaa lagu ogaaday in isticmaalka ereyada qosolka lagu muujiya ay dadku ugu kala duwan yihiin sida ay da’doodu u kala duwan tahay iyo sidoo kale sida ay jinsi ahaan u kala duwan yihiin iyo weliba halka ay joogaan.

Sahamintan Facebook waxa ay jawaab u ahayd maqaal hore u soo baxay oo cinwaankiisu ahaa ‘Qosolka Electarooniga ah’ waxa aanay iftiimisay in ereyga “haha” uu yahay kan hadda ay ugu isticmaal badan yihiin dadka ku sheekaysta baraha kulanka-bulshadu marka ay qosolkooda cabbirayaan, in kasta oo ay dadku ku sii kala duwan yihiin inta jeer ee a ysoo celcelinayaan qoraalka labada xarafka ee “ha ama he” halka ereyga “Lol” oo u taagan weedha afka Ingiriisiga ee Laugh Out Loudly macnaheeduna yahay kor u qosol uu isticmaalkeedu hoos ugu dhacay boqolkiiba 1,9 keliya, tiradaas oo aad u yar marka loo eego sida uu hadda ka hor u badnaan jiray isticmaalka ereyga “Lol”