Toban Qof Oo Lagu Arkay Awood Aadamaha Caqligiisa Mucjiso Ku Noqotay (Qaybta: 1aad)

0
923

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waxaa hubaal ah in awoodda ban’aadamku aanay sinnayn, waxaana taasi ay ku caddahay dhamaan arrimaha nolosha ee sida joogtada ah aynu ula kulanno. Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa magacyada dad taariikhda ku galay in ay leeyihiin awood mucjiso ku ah awoodda caadiga ah ee aadamaha looga bartay, iyo xogtooda oo kooban.

1. Michel Lotito: Waxa uu ahaa majaajilayste u dhashay dalka Faransiiska oo noolaa intii u dhexeysay sannadkii 1950kii illaa sannadkii 2007dii, waxa uu ahaa nin leh awood dhinaca dhiif-shiidka ah oo lagu tilmaamay mucjiso.

Michel Litito waxa uu gaadhay heer meel fagaare ah uu ku cunay baaskiilad isku dhan, muraayadda talefishanka iyo weliba biro diyaaradeed. Baadhitaanno ay xeeldheerayaal caafimaad ku sameeyeen Lotito ayaa ay ku ogaadeen in uu leeyahay calool laba jeer ka weyn caloosha bani’aadamka, waxa aanu aakhirkii u dhintay sifo dabiici ah.

Michel waxaa lagu naanaysi jiray Monsieur Mangetout oo ah ereyo afka Faransiiska oo macnahoodu yahay, Wax-kaste-cune. Khubarada baadhay xaaladda Michel Lotito waxa ay fasiri kari waayeen awoodda dabiiciga ah ee uu u lahaa in uu cuno birta, quraaradda, rabadhka iyo qalab kale oo badan, waxa aanu cunista walxahan bilaabay markii ay da’diisu ahayd 16 jir isaga oo waday illaa markii uu dhintay oo da’diisu ay ahayd 57 sano jir. Arrinta kale ee mucjisada ah ee uu Wax-kasta-cune ka warramay ayaa ah in uu ku bukoodo cunista muuska iyo beedka aadka loo kariyey. Intii u dhexeysay sannadihii 1959kii illaa 1997 kiina waxaa la aaminsan yahay in birta uu cunay oo keliyi ay culays ahaan u dhiganto Sagaal Ton.

2. Mas Oyama: Oo ahaa macallin dhiga dagaalka gacanta ee Karateega loo yaqaannaa waxa uu u dhashay dalka Jabaan laakiin isir ahaan waxa uu ka mid yahay dadka asalkooda Kuuriya yahay ee dalkaas ku dhaqan.

 

Mas Oyama oo noolaa intii u dhexeysay 1923kii illaa 1994kii waxaa caado u ahayd in uu la dagaalamo dibida dad dilka ah, oo weliba uu feedh keliya ku dilo dibiga ay iska hor yimaaddaan, aakhirkiina waxa uu gaadhay heer uu awoodi karo in uu saddex dibi oo dad dil tababaran ah hal mar dagaal la wada galo oo uu feedh keliya ku dilo. Dhacdooyinka yaabka leh ee looga soo joogay Oyama waxaa ka mid ahaa bandhig weyn oo uu dagaal kula galay 52 dibiq oo ahaa dad dil aad u xoog-waaweyni, waxa aanu ku guulaystay in uu saddex ka mid ah feedh keliya midkiiba ku dilo, halka 48 dibina uu geesaha oo aad u waaweynaa feedh kaga jebiyey. La soco..