Xisbiga Waddani Oo Xafiis Ka Furtay Degmada Axmed Dhagax

0
594

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ayaa shalay xafiis balaadhan ka furtay degmada Axmed dhagax ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey Furitaanka Xafiiskan Cusub ayaa waxa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaaan-Cirro), Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed,Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Dalka ingiriiska Xuseen Aadan Cadde, Jamaal Xuseen Hurre, Mujaahid Ooto Biixi Caalin, Mujaahid Baashe Cabdi Godane, Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali-Curri), Qaar ka mida masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga WADDANI, Xildhibaano,Mujaahid, Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeybgalo degmadii ugu horeysay ee Gobolka Maroodi-jeex oo aanu si rasmiya Xafiiskeedi u furno, waxaan u mahadnaqayaa Cidkasta oo hawshaasi ka qeybqaadatay oo gacan ka geysatay….waxaan idinka mahadnaqayaa inaad garateen sababta la idiinku soo horeysiiyay…..waxa la yidhi Hargeysi markay toosayso waxay ka toosta halkan (Axmed Dhagax), waxaanan idiin nimi wakhtigii ugu haboonaa.Waxaanu idiin nimi wakhti uu dalku ku jiro xaalad adag, oo aad ka warqabtaan xaalada ka taagan Golaha Wakiillada”

Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ” Cidda qarankan badbaadin karta waxa kow ka ah Xaafada Axmed Dhagax, markaa waxa Xaafada Axmed Dhagax laga rabaa inay u guntato sidii ay u badbaadin lahayd qaranka Somaliland oo ay maanta xaaladiisu adag tahay.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay inaan maanta xaafada Axmed Dhagax hortiuina nimaadno,….laba halgan ayaad ku niyad jabteen mid waa kii KULMIYE ee abaal-darada ahaa, midna waa kii XAQSOOR ee cadaalad darada ahaa, adduunyada lagama quusto oo ILAAHAY ayaa jira, waxaan idiin sheegayaa halgankii ugu weynaa ayaa maanta taagan, waayo dawladan oo kale maynaan soo marin,”

“Hargeysaay waad hurudaa, awalba xaafadaya hurdadeedu way dheereeyd xaggana (Axmed dhagax) ayaa hurdadeedu fududeyd idinku istaadha daynabada Hargeysa waa halkan.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee dalka Ingiriiska Xuseen Aadan Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa degmada Axmed Dhagax shacabkeeda fiican ee sida fiican i soo dhaweeyey, qaatayna barnaamijkii aanu wadnay ee ahaa inay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, oo aynu arkayno inuu yahay maanta hoggaan umaddeena u soo ifayaa, oo bad-baadin kara umaddani maanta caynkan ay tahay”

“Sida lagu soo galaa Axmed Dhagax ee Calan looga taagaa waa wax adag oo ma sahlana.Waa calanka kaliya ee Axmed Dhagax laga taagay XAQ-SOOR waa waa WADDANI…Waxaan guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u sheegayaa inay Xaafada Axmed Dhagax diyaar u tahay inay hiil iyo hooba lagab istaagto Xisbiga WADDANI”. Xuseen Aadan Cadde

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadan talada haysaa waxba ulamay hadhin, bulshadii iyo taageerayaashii markii hore soo doortay.oo degmada Axmed Dhagax iyo dadkeeduba ka midka ahaayeen.”
Mujaahid Maxamed Biixi Caalin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay Xafiiska Xisbiga WADDANI ka furtay degmada Axmed Dhagax, marka meel shilin kaa cunto ama Dulin ka dhasho reerka waa laga raraa,… Reer Axmed Dhagax Shilinta iyo Dulinka waanu ka raraynaa, guri-caskaa aanu ku ognahayna ooli-maayo.”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Mardoodijeex Siciid Bustaale, Xildhibaan Bashiir Tukaale, Xildhibaan Cali Aareeye, iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka Xisbiga WADDANI uu ka furtay Xafiiska Degmada Axmed Dhagax, iyaga oo si isku mida ugu baaqay dadweynaha ku nool degmadaasi inay isbedelka xukuumadda talada haysa xilka lagaga tuurayo inay hormuud ka noqdaan isbedelkaasi