Hay’adda Shaqaalaha Oo Kulan La Qaadatay Maamulka Gobalka Togdheer

0
2709

 

toghdeerBurco(Geeska)-Qaar ka mida masuuliyiinta hay’ada shaqaalaha qaranka Somaliland ayaa beryihii u danbeeyey tiro koob ku saabsan dhanka shaqaalaha ka waday gobolkani Togdheer masuuliyiintaasi waxaaa ay shalay kulan la qaateen gudoomiyaha gobolka Togdheer iyo ku xigeenkiisa, qaar mida isu-duwayaasha wasaaraddaha gobolka togdheer.

Kullankaas oo ka dhacay xarunta gobolka waxaa hormuud ka ahaa badhasaabka Togdheer Md. Yaasin Maxamuud Cabdi, wuxuuna ka warbixiyay masuuliyiinta hay’ada shaqaalaha Somaliland iyo hawsha ay u socdeen, intaasi ka dib waxa uu ku wareejiyay gudoomiye ku xikeenka  hay’ada shaqaalaha qaranka.

Ugu horayna waxaa uu mahad ballaadhan u soo jeediyay gudoomiyaha gobolka Togdheer iyo dhamanba masuuliyiintii madashaas ka soo xaadirtay isla markaana ay u soo ajiibeen codsiga kaga yimi xaga hay’ada shaqaalaha, waxaana u guda galay ujeedooyinkiisii isaga oo halkaasi ka soo jeediyay warbixin taabanaysa dhinacyo badan oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha.

 

Gudoomiye ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in la daryeelo shaqaalaha dowlada, hadii ay tahay kuwii hore iyo kuwa danbe waxaana uu intaasi ku daray gudoomiyuhu cidii maanta laga waayo liiska tiro koobka ay wadaan in ay ka baxayaan liiska shaqaalaha dowlada, wuxuuna sheegay in cid kasta oo ka maqan liiska ay la soo xidhiidh si aanay u waayin waxa ay xaq u leeyihiin.

 

Gababadii kulankaas waxaa uu gudoomiye ku xigeenka hay’ada shaqaalaha Axmed Cali Xirsi (Sulub) kula dardaarmay isu duwayaasha  wasaaraddaha gobolka Togdheer inay ka warhayaan shaqaalahooda, isaga oo xusay inaan cidna cid soo  wakiilan karin, is aragaas dhex maray maamulka gobolka Toghdeer masuuliyiintiisa iyo hay’ada shaqaalaha qaranka ayaa haa mid ku soo dhamaaday jawi  degan waxaana la filayaa inay masuuliyiinta hay’ada shaqaalaha qaranka Somaliland  u kicitimaan dhakaa iyo gobolka saaxil oo sida ay sheegeen ay soo dhaafeen markii hore .