Isku Shaandhaynta Madaxweynuhu wax ma soo kordhisaa Mise Ma Soo Kordhiso?

0
586

Picture1Waxaan salamayaa dhamaan warbaahinta Somaliland. Waxaan maanta u qaatay qalinka dhowr arimood .waxa dawladeena Somaliland  dhowr jeer lagu sameeyay isku shandhayn  taas  oo  xukuumadu  u arkaysay in isbadal wanaagsani ku yimaado habdhaqanka dawlada  iyo in maamulku fido  oo waliba maamul daadajinina timaado.

Hadaba suaashu waxay tahay  intaa dawladu  ku dadaashay ma dhaceen? taas  dad waynaha ayaan u dhaafayaa  anigase aragtidaydu waxa ay tahay ma dhicin ee waliba hoosbay wax u dhaceen oo  dadkii laga sugayay horumarka dalku hoos u dhac ayay keentay oo isma badalin good iyo abees ayaa isbadaly uun. Maamulada sii ciiraya waxa lagu gartaa astaamo gaara maamulada horumarka samynayana waxa lagu gartaa calaamado,hadaan ku horayno wax yabaha hoosu dhaca dawladnimada  keena waxa ka mida musuq maasuq,cadaalad daro,xadhig,xukun isku dhajin,amniga oo xumaada, xafiisyada dawlada oo mid waliba iskii waxa uu doono ugu dhaqaaqo.qabyaalada,wakhtiyada shaqada oo aan la ilaalin, dadka shaqada loo igmaday oo karti daran,adkaysi la,aan haysta cida hogaaminaysa siyaasada dawlada.iyo  leadership oo nin jeclaysi wada dadka kii loogu talagalay maamul daadajinta oo ka dhigay maamul koobni,dad aan lahayn waayo aragnimo,intaas marka la isku daro dadku waxa ay nacaan dawladnimada waxa ay karahsadaan dirayska dawladnimo iyo maamulka dawladeed.waxaan maanta ognahay in ururkii suxufiyuuntu 2 garab kala yahay,kii SONO 2 garabkala yay  wasaaradii ciyaaruhu  ay seexatay.dhamaan rajadii dhalinyaradu mugdi galay.

 Horta dawladiihii ina soo maray dadku nasiib wali umay helin dawladay rabeen oo ka run sheegta  tabashadooda wax qabad ha danbeeyee u jeexda  wado horumar anigu ma dhaliilayo  madaxwaynasha oo kaliya balse waxaan dhaliilayaa  wasiiradiisa iyo  dhamaan  baalasha  ay ku duusho dawladnimadu  barlamaanku  waa ka qayb, dhaqaalaha ina soo galaa  waa is ku filaynsiin karnaa  balse  dano gaara ayaa lagu fushadaa,waxa inagu soo biiray dhaqan cusub oo hadii qof wax wanaagsan ka hadlo in midkale been abuurka sheego oo uu beeniyo .  Astaan ta dawlada wanaagsan. U adkaysi xaladaha qalafsan iyo u xal helidooda

karti ay  ku maamusho hawlaheeda iyo ku dhac waxay danta guud u aragto talo wadaag wixii danta guud  ee qaranku leeyahay ladagaalanka  musuqmaasuqa iyo shaqo la,aanta  baahiyaha aasasiga ah oo ay wax ka qabato joojinta iibka danta guud  hadanay jirin sababcad oo loogu bahanyay. in sharciga dalka la raaco  waxa uu dhigayo

madaxwayne waxa lagaa rabaa dawald tayo leh waxa iyana haboon  hal wasiir oo aad mucaaridka siiso, anigu waxaan qabaa in ragani tayo u yeeli karaan xukumada maanta jirta.

1- Maxamed Cabdi Gaboose

2-Axmed Ismaaciil Samatar

3- Maxamed Xaashi Cilmi 

4-Maxamed Siciid Gees

5  Fuaad Aadan Cadde

6 Ibraahim Dhegaweyne

7- Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal)

8-Cali Ibrahim Maxamed (sanyare)

9- Cabdillaahi Maxamed Ducaale 

10- Ilhaan Maxamed Jaamac

 In  la sameeyo dad aqoon yahano  raadiya ictiraafka somnaliland. waxaan ku soo koobayaa  in madax wayne dawladu ay yeelato inaad  dad miisan leh aad keento oo umada u adeega  hadiise  ay dhici waydo taas dadku waxa ay u fahmi karaan inaanad rajo ka lahyn tartanka doorashada soo socota.

Yaasiin Cumar-yare, Hargeysa