“Sidii Gobolka Awdal Loo Maamulay Ee Madaxweynaha, Ku Xigeenkiisa U Maamuleen Waa Xaalad Abuur”

0
569

waddaniHargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa dhaliilay qaabkii ay uga hadleen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Gaashandhiga Somaliland xaalada ka taagan Gobolka Awdal iyo Suldaan Wabar, waxaanu sheegayinay dalka ka wadaan xaalad abuur, oo sidii looga baahna aanay xilkooda uga gudan.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag, waxaanu ugu baaqay inay xaalada qaboojiyaan, oo wixii khilaaf ah soo af-jaraan oo Warbaahinta aanay waxba isku marin.

Xoghaye ku xigeenka Waddani ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay dhex u ahaadan Xisbiyada Qaranka, si wanaagsan oo simana wax ula qabtaan, waxaanu sheegay inay Golaha Guurtidu ay ka mashquuleen hawlahoodii, oo uu xusay in looga baahna inay ka hawlgalaan soona damiyaan xaalada ka taagan Gobolada Sanaag iyo Awdal, oo aanay soo fara gashan arimaha Doorashooyinka, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Waxaan ka hadlaya Sanaag, dadka dega Gobolka Sanaag iyo Ceerigaabo, waa dad walaalo ah, waa dad is wada dhalay, waa dad xidid ah, oo isku seediya, abtina isku ah, waxaan kula talinaya ina xaalada qaboojiyaan, oo dajiyaan, oo Warbaahinta aanay waxba isku marine ee inta ay isku yimadaan, oo si miir qabta iskugu tagaan, ayaa looga baahan yahay, oo wixii dhib ah ee dhexdooda yaala ay soo afjaraan”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo ka hadlay sida ay uga hadleen xaalada Awdal Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Gaashandhiga ayaa yidhi “Sidii Gobolka Awdal loo maamulay ee Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Gaashandhigu u maamuleen si waa xaalad abuur ah, si wax ku xalismayaana maaha, Wasiirka Gaashandhiga waligii lagama maqal Dagaal, iyo dhimo, balse waxa uu maalintii dhawayd yidhi Ninka diida Ciidanka Qaranka waa Nin u dhimanaya, hadalkii Wasiirka muu ahaan jirin kumaanan aqoon, Madaxweynuhu muu garan waayin Saladiintii soo cabatay ee cabashada keentay inuu yidhaahdo ii kaalaya, oo Suldaankiina doona, laakiin loogama baahnayn inuu yidhaahdo arimihii kale, ee uu yidhi waa in lagu duula oo la soo qabtaa, anagu waxa aanu u aragnaa inay arintaasi tahay xaalad abuur aan looga baahnayn meesha, ee waxa aan leeyahay reer Awdaloow waad aragtaan in aanu Madaxweynuhu idiin jeedin ee Nabada aynu wada ilaalino oo Farteena aynu ku bedelno, oo cidii aynu garan weyno Farteena aynu ku ridno, ee Xisbiga Waddani codkeena aynu siino, maxa yeelay waa Xisbi loo siman yahay”.

Xoghaye ku xigeenka Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida ayaa yidhi “Waxa aan leeyahay Komishanka Doorashada Maanta Somaliland waxa ay u oomatay Doorasho, Doorashadana idinka ayaa kow ka ah, hawl weyn ayaa idiin taala ee waxa wacan inaad dhex u ahaataan Xisbiyada Qaranka, waxaana wanaagsan in XIsbiyada iyo Komishanku ay wada hadlaan, kana wada hadlaan qaabka doorashada loo galayo iyo wakhtiga Doorashada la galayo, ee Guurtida gidaarada ka hadlaysa waxa aan leeyahay hawlo ayaa idiin yaala ee hawlihiina gala, oo arimaha Sanaag iyo Awdal gala, oo faraha kala baxa arimaha Doorashooyinka, oo idinka waxa aad wax ka qaban kartaa waa marka aafo Qaran ILLAAHAY inooma keene ay dalka ka dhacdo”