Iska Jir In Aad Ilmahaaga Seexiso Dhinacaaga

0
592

Akademiyadda Maraykanka ee caafimaadka carruurta ayaa shaaca ka qaadday in ay khatar tahay in hooyadu ay iomaheeda is dhinac seexiso habeenkii. Sida ay ku warrantay idaacadda waddaniga ah ee NPR waxa ay xeeldheereyaashani sheegeen in sida ugu fiicani ay tahay in ilmaha kelidii la seexiyo qol u gaar ah. Waxa aanay sheegeen in carruurta qol u gaar ah la seexiyaa ay helaan hurdo ka waqti badan hurdada ay helaan carruurta uu waalidku isla seexiyo sariirta keliya ama xitaa carruurta carruurta qol la seexata waalidka.

In ilmuhu uu waayo hurdo ku filan ayaa ay khubaradu sheegeen in ay sababto dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in uu daciifo koritaanka jidhkiisa, dareenkiisa iyo garaadkiisuba.

Faa’iidada labaad ee ay khubaradu sheegeen in ilmuhu uu ka helo gaar u seexashada ayaa ah in uu goor hore barto nidaamka, madaxbannaanida iyo ku tiirsanaanta naftiisa. Waxa uu baranayaa sida uu kelidii u seexan karo isaga oo madaxbannaan waalidkiina aanu la joogin, waxa kale oo uu baranayaa sida uu waqtigisia hurdada u maamuli karo isaga oo ilaashanaya saacadda hurdada, maadaama oo aanay qasab ahayn in qoyska oo dhami ay hal mar habeenkii wada seexdaan.

Dhinaca kalana shabakadda caafimaadka qoyska ka faalloota ee ‘Healthy families home Birth’ waxa ay sheegaysaa in ay jiraan faa’iidooyin kala duwan oo ay leedahay in ilmuhu uu waalidkii garab seexdo; waxaa ka mid ah ilmaha oo ay oohintiisa iyo qaylada ama saska habeenkii ka yaraado, hurdo aad u deggen oo uu helo, heerkulka jidhkiisa oo dabiici noqda iyo garaaca wadnaha oo xasila, neef-qabatowga habeenkii dadka qaar ku yimaada oo ilmaha ka yaraada, ilmaha oo caano badan oo naaska ah ka hela hooyadii maadaama oo uu barbar hurdo oo aanu hooyada culays ku keenayn, sidaas awgeed waqtiga badan ee uu jaqayo awgeed uu caano badan helo. Waxa kale oo ay keentaa in xidhiidhka ilmaha iyo waalidku uu kordho ama sii adkaado.

Laakiin iyada oo ay waxaas oo faa’iido ahi jiraan haddana waxa ay khubaradu sheegayaan in ay jiraan faa’iido darrooyin badan oo ka dhasha hurdada uu ilmuhu waalidka la wadaagayo sariirta. Waxaa ka mid ah, ilmaha oo furaashka ku neefqabatooba, maadaama oo waalidku ka miisaan badanyahay waxaa qasab ah in miisaanka ilmuhu dhinac u dheeliyayo. Waxa iyaduna khatar ku ah caafimaadka ilmaha in uu qaato neefta ay sambabada waalidku soo celinayaan, taas oo khatarteedu sii badanayso haddii labada waalid midkood sigaar nuug yahay. Marry El Javen oo ah dhakhtar carruureed ayaa warbixin ay arrintan ka qortay waxa ay ku sheegtay talooyin muhiim u ah hooyooyinka doonaya in ay carruurtoodu la seexato qol keliya. Waxaa ka mid ah in aanay afarta bilood ee hore aanay furaash keliya la wadaagin, in ilmaha aan dhabarka loo seexin, in aan ilmaha madaxa marada ama go’a loo saarin, in carruurta ka waaweyn aan sariirta lala seexin.

Dhinaca kalana waxa ay xeeldheereyaashu sheegayaan in carruurta dhalata oo waalidka la seexdaa ay dhibaato ku keento caafimaadka hurdo ee waalidka oo uu inta badan ku dhaco khalkhal dhinaca hurdada ahi, maadaama oo warwarka badqabka ilmaha uu ku seexanayo, waxa kale oo ay culimada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in ilmaha oo waalidka la seexda furaashku uu raad taban ku yeesho xidhiidhka kalgacal ee labada waalid.