Afar Ka Mid Ah Madaxda KULMIYE Oo Shubay Lacagta Shuruudaha Looga Dhigay Tartanka Hoggaanka Xisbiga

0
756

Wasiir Saajin Oo Ku Soo Biiray Saaxadda  Iyo Tartanka Xisbiga KULMIYE Oo Weji Cusub Yeeshay

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiyiinta uu damacu ka hayo Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa la sheegay inay qaarkood Shubeen Lacagihii ay Guddiga qaban-qaabadu Shuruudda kaga dhigeen Ciddii tartanka ka qayb-galaysa.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in siyaasiyiinta illaa hadda Lacagtaa shubay isla-markaana u diyaar-garoobay inay ka qayb-galaan Tartanka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay ka mid yihiin

  1. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo uu doonayo inuu sii hayo Shanta sanadood ee soo socda.
  2. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad oo isagu hadda hayo.
  3. Xuseen Aadan Cadde oo u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga oo uu isagu hadda hayo.
  4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo u tartamaya Jagada Guddoomiye ku-xigeen 4-aad.

Tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray ee Wasiir Saajin oo ah Nin ku cusub tartanka Xisbiga KULMIYE ayaa xiiso gaar u yeelaysa Baratanka, waxaana muuqata inuu la tartamayo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga.

Ugu dambayn, Qaderka lacageed ee Musharraxiinta laga doonayo ayaa dhan min 10 kun oo dollar oo Musharraxiinta Guddoomiye ku-xigeennada ah iyo min 15 kun dollar oo laga doonayo Musharraxiinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

 

Geeska.net/Hargeisa Office