Caadooyinka Lagu Yaqaanno Dadka U Fiirsigooda Iyo Shaqada Masaxdoodu Sarrayso (1)

0
642

 

Badankeenu waxa aynu aaminsanahay in dhugmada maskaxda iyo bararugsanaantu ay ku timaaddo doonista qofka oo xooggan. Taas oo macnaheedu yahay in qofku uu dadal badan gelinayo sidii uu maskaxdiisa uga joojin lahaa in ay hadba dhan uga fakato waxa uu qofku doonayo in uu u fiirsado. Nick Wignall oo ah qoraa iyo xeeldheere cilminafsi ayaa sheegaya in dhugta maskaxda iyo baraarugsanaanteedu aanay ahayn hawl leh hannaan loo maro qabashadeeda, balse ay tahay xirfad uu qofku samaysan karo haddii uu sameeyo jimicsiyo iyo caadooyin maskaxda u diyaariya.

Dadka fiirsigoodu sarreeya waxa ay ogyihiin in dhugmo la yeesho iyo awoodda fiirsiga qofka oo dheeraataa ay ku timaaddo in qofku isku tababaro muddana xoogga saaro sidii uu caadadaas u yeelan lahaa. Caadooyin kala duwan oo muddo dheer qofka siyaabo kala duwan ugu ururayey ayaa keena.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa caadooyinka iyo tababarrada qofka dhaxal siiya in uu noqdo qof dhugmo leh oo maskaxdiisu hawsha uu hadba u baahan yahay xoogga saari karto.

Shaqo gaar ah joogtee:

In qofku uu joogtayn fiican sameeyaa waa sirta ugu weyn ee ay leeyihiin dadka dhugmadoodu fiican tahay, haddii aad aragto in shaqada bilowgeedu kugu adag yahay. Samayso hawl fudud oo joogto ah, waxa ay si tartiib tartiib ah kuu dhaxalsiin doontaa feejignaanta iyo dhugmada maskaxeed ee aad u baahan tahay.

U shaqee si nidaamsan

Marka aad leedahay hawlo badan iyo shaqooyin dhammaynteedu kuu taallo, iska jir in aad ku daganto isku dhex wadda hawlahaas kala duwan, adiga oo doonaya in aad hawlaha oo dhan hal waqti wada dhammaystirto. Hawlo kala duwan oo uu qofku hal mar isku dhex wado waxaa ka dhasha hawsha la qabanayo oo yaraata, iyo natiijada laga gaadhayo ama tayadeeda oo aad u hoosaysa, waxa kale oo ay keentaa in shaqadu ay qaadato waqti ka badan kii la qaban kari lahaa.

Weligaa ku dadaal in shaqada lagaa rabo aad u qaybiso maalinta oo dhan, si mid kasta aad waqti u gaar ah muhiimadda ay u baahan tahay u siiso. Marka aad qaabkaas u shaqayso ayaa ay fikirkaaga iyo dhugmada maskaxdaadu noqonayaan mid xooggan oo dhammaystiran.

Faham tamartaada gaarka ah

Marka aanad haynin tamar maskaxeed ama jidheed, waa ay adagtahay in maskaxdaada oo dhan aad ku jihayso mashruuc muhiim ah, ama aad dhugmada loo baahanyahay u yeelato hawl kuu taalla. Tamar la’aantaas ayaana sabab u ah in shaqada maanta uu qofku berry u dhigto, tusaale ahaan farriin E-mail oo soo dhacday ayaa laga yaabaa in uu wahsado qoraalkeeda. Waxaa ku dhacda in hawlahooda ug umuhiimsan iyo shaqooyinka.

Hawljoogtee, haddii aad doonayso in hawl kuu taalla aad maskaxdaada oo dhan ku jihayso, waxaa muhiim ah in marka hore aad iska fogeyso wax kasta oo maskaxdaada jeedinaya. Waxaa ka mid ah codadka iyo jaraska baraarujinta. Ku dadaal in aad iska durkiso wax kasta oo aan waxtar lahayn ama ugu yaraan markaas aan khusayn hawsha aad qabanayso.

Qorshe samayso, kala mudnaysiinta hawshana ogoow

Haddii aanad garanayn sida aad ugu kala horreynayso hawlaha kuu yaalla, waxaa hubaal ah in waqti iyo tamariba kaa khasaari doonaan. Dadka lagu yaqaanno dhugmada fiican iyo in ay maskaxdoodu hawsha hortaallo xoogga saartaa, waa dad inta badan leh qorsheyaal a yraacaan. Waxa aanay sawir fiican ka haystaan meesha ay u socdaan, iyo sida ay ku gaadhi karaan. La soco…