Is-Tusnimo Iyo Magac Jacayl Ayaa Dhalinyarada Inta Badan Ku Keena Talo Xumada, Iyo Madax Adaygga

0
1095

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhinaca bulshada ah oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in sababta ku kallifta da'yartu inay qaataan go'aamo is-miidaamin ah iyo tallaabooyin dhib badani marka dambe ka dhalato aanay ahayn aragti xumo iyo qorshe la'aan balse ay tahay xiise ay u qabaan inay ku kacaan wax dadka xiiso gelinaya iyo wax aan caadi ahayn oo soo jeedinaya dareenka cidda ku xeeran, si ay ugu muuqdaan halyeey ama dad karti dheer qayrkood. Aqoonyahanno ka tirsan jaamacado badan oo ay ka mid yihiin, jaamacadaha California, George Town, Ervin iyo Colorado ayaa baadhitaan cilmiya oo ay muddo wadeen, si gaar ahna ay ugu daraaseyeen dhaqannada iyo go'aamada 900 oo ah dhalinyaro da'doodu u dhexayso 10 illaa 30 jir aqoon fiican leh si loo ogaado sida ay u fikiraan dadkaas da'doodu kala duwan tahay.

Xeel-dheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay qof kasta oo dadkii tijaabada lagu samaynayey ka mid ah weydiiyeen arrinta ugu xiisaha badan ee u qorshaysan in uu dhowaan sameeyo, kadib iyaga oo aan ujeedada laga leeyahay la dareensiin ayaa inta la qaybiyey mid kasta gaarkiisa looga codsaday in uu muddo hal sano ah dib u riixo waqtigii uu hore u qoondaystay in uu hawshaas fuliyo, iyada oo weliba la siin doono lacag abaal marin ah oo ka badan Kun Doolarka Maraykanka ah. Halka kuwo kale oo dhalinyaradaas ka mid ahna loo sheegay in ay waqtigaas ay hawshooda qabanayaan hore u soo dhigaan iyada oo aan lacag lagu siinayn, natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in dhammaan dhalinyaradii laga codsaday dib u riixistu ay diideen iyaga oo weliba og in ay lacag ku heli lahaayeen, halka ay soo horumarintii ka ogolaadeen iyaga oo aan wax abaal marin ah lagu siinayn.

Cilmi-baadhistan oo uu natiijadeeda wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay majallad lagu magacaabo Child Development ayaa ugu dambayntii natiijadeedu ku soo ururtay in sababta koowaad ee dhalinyarada ku kallifa in ay mucangag ku noqdaan go’aamada ay gaadhaan ama himilooyinka ay sawiranayaan oo aanay inta badan xataa waalidkood uga habran ay ay tahay iyaga oo is tusaya dad uu isagu u gol leeyahay ama u arkayo in tartan dhinaca ragannimada ahi ka dhexeeyo, waxa aanay ka baqo qabaan in dhalinyarada dhiggooda ahi ay u arkaan ruux jilicsan oo himiladiisa isagu bislayn kari la’, ama waxa ay ka tahayba in ruux kale oo tartan ka dhexeeyo uu tuso in uu isagu kaga fiican yahay go’aan qaadashada iyo hal-adaygga. Si kastaba ha ahaato ee is-tusnimada oo keliya ma’aha sababaha dhalinyarada jarka ka xooraa, ee waxaa iyaduna ka qayb qaata korniinka maskaxda oo dabiicigii la doonayey noqon waaya. Waxa ay khubaradu sheegeen in hab-dhiska Maskaxda ee xukuma dareenku uu aad u firfircoon yahay marka uu qofku ku jiro sanadka 16aad, sanadkan kadib ayaanay bilowdaa mashquul iyo qunyar socod keena in qofku muddo ka fiirsado tallaabada uu qaadayo midhaha ka dhalan doona.