Guddoomiye Cirro Oo Xukunka Haatuf Ku Tilmaamay Wax Ku Cusub Dhaqanka Garsoorka Iyo In La Maroorsaday Garsoorkii, Xukuumadda Iyo Beesha Caalamkana Farriin Culus U Diray

0
651

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si kulul u cambaareeyey Xukunka lagu riday Wargeyska Haatuf iyo mulkiilihiisa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafafatarihii Axmed Cige oo Shalay ay Maxkamada Gobolka Hargeysi ku riday Xukuno isagu jira Xadhig,Ganaax Lacageed iyo in waliba Ruqsadii oo lagala  noqday Wargeyska Haatuf. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu carabka uu ku dhuftay in Xukunkaasi lagu riday Wargeyska Iyo Masuuliyiintiisa uu ahaa mid sharci darro ah,waxaana uu tibaaxay in ay cadahay in la maroorsaday Awoodii uu lahaa Garsoorku, isaga oo sabab uga dhigay in iyada oo cadaaladi jirto in si qarsoodi ah loo xukumo Wargeyska Haatuf iyo Mulkiilihiisa iyo Tafafatiriihiisaba.Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar ay Shalay Masuulyiinta ugu sarsaraysa Xisbiga Waddani ay Shir jaraa'id ku qabteen Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi  “Waxaan Doonayaa in aan Erayo kooban ka idhaahado Xukunkii Saaka (Shalay) Lagu riday Masuuliyiinta Haatuf, Guddoomiyihii iyo Tifatirahaba  iyo waliba Xaruntii wargeyska oo ruqsadii lagala noqday, Somaliland waa qaran aynu doonayno in aynu wadda daafacno iyo in aynu wadda dhisno, iyo in aynu Ictiraaf raadino, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in ay jirto saxaafad xor ah, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in xoriyatulqawl jiro, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in Xuquuqal insaanka la ilaaliyo, Xukunka Maxkamada Haatuf waynu sugaynay, laakiin sida la ii sheegay Saaka Subaxdii  hore (Shalay) aniga oo Xafiiska fadhiya waxa dhacay waxa dhaqanka Garsoorka ku cusub, oo ah Maxkamad xukunkeed oo la Maroorsanday, iyada oo aanay joogin eheladii Yuusuf iyo Tafafatirihii iyada oo aanay joogin saxaafadu, iyada oo aanay joogin Nimankii u doodayey Masuuliyiinta Haatuf, iyada oo loo diiday dadkii farro ku tiriska ahaa ee goobta Joogay, iyada oo nidaamka maxkamada ka baranay ay hayd in maxkamadu noqoto mid furan“Gudoomiyaha Xisbiga Waddani   oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi  “waxaanu si adag u Cambaareynaynaa Qaabka uu u dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf, haaddii xukunku cadaalad yahay may jirteen sabab xukunka loo qariyo oo ehelada looga qariyo oo saxaafada looga qariyo, waxanay u eegtay in xukunkaasi si cadaalad ah aanu u dhicin, waxaanu xukumada ugu baaqaynaa in la soo celiyo Madaxbanaanidii Garsoorka Somaliland, kana madaxbanaanado wax kasta oo siyaasad ku saabsan".Ugu danbayntii Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda in ay si dhakhso ay Xoriyadooda dib ugu soo celiso Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf,Saxaafadana ay ku dhaqdo Xeerarka Saxaafada ee Dalka u yaala,balse aan loo adeegsan Xeerar aan lagu dhaqmin, waxaanu yidhi  "Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in xoriyadooda u soo celiso Masuuliyiinta Haatuf, waxay ahayd in xeerarka Saxaafada lagu maamulo xukunka Suxufiyiinta balse waxa iska cad in aan xeerkii lagu dhaqmin laguna xukumin, oo xeerar kale lagu maamulay, waxaanu u soo jeedinaynaa in saxaafada Sideedaba lagu maamulo xeerka saxaafada, arrintaasi waa Farriin aanu u dirayno Xukumada, Garsoorka iyo Beesha caalamkaba.”