Inta Aanad U Safrin Dalalkan, Wax Ka Baro Dhaqanka Dadkooda Iyo Caadooyinka Ay Leeyihiin

0
717

Haddii aad ingiriiska tagto kabaha ha bixin, haddii aad khaliijka tagto ha u bogin xoolo uu haysto saaxiibkaa, haddii aad tagto afghnistan…

London (Geeska)- In badan ayaa laga hadlay dhaqannada kala duwan ee ka jira dunida, bulsho waliba waxa ay leedahay dhaqan u gaar ah, waxa dhacda in dhaqan cid la wanaagsan uu cid kale ku yahay cudur iyo ceeb, oo wata Soomaaliduba hore u tidhi, “Xaajo nin la toosani, nin la tuur leh” Qormadan waxa uu wargeyska Geeska Afrika ku soo qaadanayaa dhowr caado oo ka mid ah dhaqannada bulshooyinka kala duwan ee dunida ka jira, in kasta oo tiknoolajiyadda nolosheenna saamaysay iyo is-dhexgalka bulsho ee dunidii ka dhigay tuule keliyi uu wax badan ka beddelay dhaqannadii iyo caadooyinkii waayadii hore qolo kasta dalkeeda u gaarka ahaa, oo ay isa saameeyeen caadooyinkaasi, ugu yaraanna keeneen in qolo caadadeed aanay ceeb ula muuqan qolada kale. Haddaba caadoyinkaas waxa aynu ka soo qaadanaynaa kuwan:

Casuumadaha:

–  Haddii aad Sucuudiga tagto iska jir sigaarna ha ahaato ee in aad bidixda wax ku cunto.

– Haddii nin ka mid ah dadka u dhashay khaliijku gurigiisa kugu casuumo iska jir, wax guriga yaalla ama alaab aad isaga ku aragtay in aad u khushuucdo kana waraysato halka uu ka keenay ama ka iibsaday, waayo waxa hubaal ah in uu ku qasbanaan doono inuu ku siiyo shaygaas.

– Haddii adiga oo jooga Asia, Hawaii oo Maraykanka ka tirsan ama jasiiradaha ku yaalla badweynta Pacific,  laguugu casuumo guri iska jir in aad kabaha la soo gasho qolka  fadhiga ama cuntada, waayo waxa loo arki doonaa in aanad ixtiraamayn meelna aad kaga dhacday sharafta qofka ku marti geliyey.

– Haddii casuumad cunto laguugu sameeyo ingiriiska oo marka aad qolka soo galayso aad kabaha bixiso, dadka goobta joogaa waxa ay arki doonaan qof aan ilbax ahayn oo badawnimo biyo dhigtay.

Ballanta iyo Salaanta:

– Haddii adiga oo jooga Afghanistan aad maqaaxi timaaddo oo aad gacan qaaddo qof ka mid ah dadka goobta jooga ha fadhiisan illaa aad salaanta gaadhsiiso dadka kugu dhow ee ku arkaya oo dhan.

– Haddii aad la ballanto qof Jarmal ah toban daqiiqo ayuu ballanta ka soo horaynayaa ee ogow, haddiise aad la ballanto qof Talyaani ah ballan xumo iyo waqti badan oo kaa lumo isu diyaari.

Maraykanka iyo lulada:

– Haddii adiga oo jooga Maraykan aad lulooto ceeb ha u arkin in aad cagaha miiska saarato oo waxoogaa aad indhaha casaysato, xataa haddii aad og tahay in ay cidi kuu soo geli doonto adiga oo xaalkaa ku sugan.