Shirkadda Shidaalka Baadhaysa Ee DNO Oo Ka Hadashay Rasaas Toddobaadkan Lala Beegsaday Shaqaalaheeda Oo Hawlo Shaqo Oo Sahan Ah Ka Waday Degmada Xudun

0
664

Picture7Hargeysa(Geeska)-Shirkadda DNO ee laga leeyahay dalka Norway oo ay xukuumadda Somaliland la gashay heshiis shidaal baadhis ah, ayaa ka hadashay fal toddobaadkan lagu rasaaseeyay shaqaalaheeda oo hawlo shaqo u joogay degmada Xudun ee gobalka Sool. Waxay shirkadu beenisay inay dalka Somaliland shaqaalaheeda kala baxayso, falkaas ka dib.

Afhayeenka shirkadda Henrik Schwabe  DNO ayaa wargeyska caanka ah ee World street journal, u sheegay inaanu wax dhaawac ahi soo gaadhin shaqaalahooda. “Qiyaastii 3:30 PM (11 august) tiro kooban oo xabado ah ayaa lagu soo waramay in lagu riday kaamboolka kooxda,” ayuu yidhi afhayeenku, waxaanu intaas raaciyay “Qofna kuma dhaawacmin, kooxdiina si deg dg ah ayaa Hargeysa loogu daad-gureeyey.”

Afhayeenku, wuxuu sheegay inay kooxda DNO degmada Xudun ee gobalka Sool, gaar ahaan Baloog 18 oo heshiis lagu siiyay, ka wadeen sahan biyo ah, oo ah mashruuc ay DNO ku doonayso inay dadka deegaanka ku siiso biyo nadiif ah. “Maamulka Somaliland ayaa baadhitaanada dheeraadka ah samaynaya.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Wuxuu sheegay inuu ka war qabo in saxaafadda maxaliga ah qaarkood baahiyeen warar sheegaya in shirkadda DNO ka bixi doonto Somailand, waxase uu wararkaas ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin, taas oo ah inaanay shirkadu ka baxayn Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sida uu wargeysku qoray sheegay inuu maqlay falka ka dhacay Xudun balse aanu faahfaahin ka haynin, waxaanu sheegay inay Somaliland dhawaan samaynayso ciidanka ilaalinta khayraadka oo loo yaqaan OPU (Oil protection unit), “Deg deg waxaanu u rajaynaynaa inaanu yeelano ciidanka OPU.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in tirada ciidanku noqon doonaan 420 askari. Wuxuu wasiirku tilmaamay in marka ciidanka la sameeyo uu rajaynayo inaanay falal dambe dhici doonin.