Inta Aanad Safrin Dalalkan, Wax Ka Baro Dhaqanka Dadkooda Iyo Caadooyinka Ay Leeyihiin (Qayb Kale)

0
880

Haddii aad Thailand tagto carruur madaxa ha u salaaxin, markaad Carabta joogto jacaylka xaaskaaga qarso, marka aad u sheekaynayso qof Maraykan ah indhihiisa eeg, laakiin Japan Maya.. Taraafiga Ruushkana Laaluuska ha kala xishoon

 

Hargeysa (Geeska)- Dadka u safra dalalka shisheeye waxa ay marar badan la kulmaan dhib sababteedu tahay kala duwanaanshiyaha dhaqanka, ama dhaqanka ciddan uu u yimi oo aanu aqoon u lahayn iyo caadada dadka deggen dalka ay tageen. Haddaba caadooyinka yaabka badan ee dunidu ku kala duwan tahay oo tiro badan, qayb ka mid ahna uu wargeyskan Geeska Afrika hore akhristayaashiisa ugu soo gudbiyey, cadadkeenan maantana waxa aynu ka soo qaadanaynaa Morocco, Algeria, Tunisia, Libya, Masar, Lubnaan, Suuriya, Turkey, Greece, Falastiin iyo Italy:

– Marooko: Haddii qofka soo booqdaa aanu gacan qaadin, laabta laabta u saarin ama aanu xattaa dhunkan waxa loo arkaa qof aan ixtiraam lahayn waana laga neceb yahay bulshada dhexdeeda.

– Korea: Haddii aad Kuuriya tagto iska jir in aad qof qadaadka ka dhirbaaxdo, xataa marka ay kaftan iyo ciyaar tahay.

– Thailand: Dhaqan ahaan qawmiyadaha asal ahaan ku nool dalka Thailand qaar ka mid ahi waxa ay aaminsan yihiin in madaxa qofku uu yahay muqaddas uu Alle karaamo iyo wanaag dheeraad ah ka siiyey xubnaha kale ee jidhka oo dhan, sidaa awgeed in madaxa qof loo salaaxo waxa ay u arkaan in muqaddasnimadiisa ay xaqiraad ku tahay. Haddaba haddii aad Thailand tagto waxa aad ogaataa in aanay suurto gal ahayn in lagaa ogolaado in aad ilmo yar madaxa u salaaxdo xataa haddii ay kaa tahay kalgacal.

– Bariga dhexe: Dalalka Sucuudiga, Kuwiat, Imaaraadka, Qatar, Baxrayn Cummaan, Yemen, Ciraaq, Suriya, Falastiin iyo Urdun haddii aad tagto iska jir in lagaa dareemo jacayl badan oo aad u qabto xaaskaaga, waayo waxa laguu fahmayaa nin ay dumarku u taliyaan, sidaa awgeed raggu wax badan kaa dhegeysan maayaan. Sidoo kale iska jir in aad gacanta bidix wax ku cunto.

– Maraykanka: Haddii aad booqato qoys deggen gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka waxa aad ogaataa in laguu dhiibi doono xidhmo ubax ah, si laguugu muujiyo soo dhoweyn, laakiin iska jir in aad diiddo hadyaddan waayo waxa uu qoysku u fahmi doonaa in aad xaqirtay, marka laguu dhiibo ubaxaas, ha u qaadan in aad adigu sidaa ku qaanayso oo aad gurigaagii la tegeyso, marka aad hore u so ogasho guriga waxa aad saartaa meel uun ka mid ah guriga, laakiin iska jir in aad saarto meel aan u qalmin.

– Dhaqannada is burinaya ee dalalka Qaar: Dalalka Jarmalka iyo Maraykanka waxa qasab ah in aad toos u eegto indhaha qofka kuu sheekaynaya, laakiin qaar ka mid ah dalalka Asia oo ay ku jiraan Japan iyo Korea ayaa aad uga duwan dhaqankan, dadka dalalkani waxa ay dhibsadaan diiqadna ka dareemaan in qofka u sheekaynayaa eego indhahooda. Dadka ku nool bariga Asia sida China iyo Japan waxa ay ceeb weyn u arkaan in qofku isku dayo isaga oo gole dhex fadhiya uu sankiisa nadiifiyo, xataa haddii uu isticmaalayo masar ama warqadda loogu talo galay, waxa ay si gaar ah u sii neceb yihiin qofka sidan ku sameeya isaga oo fadhiya miis hareeraha laga wada fadhiyo. Haddii adiga oo dalalkan iyo xataa dalka Faransiiska jooga aad u baahato inaad duufsato sida ugu fiicani waa in aad si edeb leh uga fasax qaadato golaha kadib, aad suuliga qabato si aad sankaaga ugu soo nadiifiso. Inta badan dalalka Afrika, China iyo Japan haddii aad isku daydo inaad ku dul sheekayso miiska cuntada waxa ay u dhawdahay in dadka cuntada kula wadaagayaa aamus kuugu jawaabaan.

Haddii adiga oo baabuur wata waddooyinka dalka Ruushka uu taraafigu kugu qabsado arrin sharci ah, ha illaabin in aad laaluush iska bixiso, haddii kale meel dheer ayaa lagaa deyi oo xabsi ayaad ku dambayn. Ganaax lacageed iyo ciqaabna waad la kulmi, laakiin haddii aad dalalka carabta joogto ha ku deg degin in aad laaluush bixiso ama ugu yaraan si taxadar leh u bixi, haddii kale waxa aad la kulmi xabsi iyo ganaax culus.