Dhalinyarada Dunida Ku Nool, Boqolkiiba Labaatan (20%) Ka Mid Ah Ayaa Sannad Kasta Qaada Cudurro Nafsi Ah

0
614

Picture9New York (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan soo baxday oo ay samaysay Qaramada Midoobey ayaa daahfurtay in boqolkiiba 20 ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan dunida maantu ay sannad kasta la kulmaan ama ku dhacaan cudurro nafsi ahi. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Md. Ban Ki Moon ayaa farriintiisii munaasabadda maalinta dhalinyarada adduunka oo sannad kasta la xuso 12ka Bishan Siddeedaad 2014ka, waxa uu ku sheegay in xanuunnada nafsiga ahi ay ku sii badanayaan dhalinyarada, gaar ahaan marka ay ku jiraan da’da kala guurka ee u dhaxaysa carruurnimada iyo dhalinyaronimada, marar badanna ay xaaladdani sii badato  marka ay dareemaan in ay arrin ku ceeboobeen ama ficil ay sameeyeen iyo hadal ay yidhaahdeen ay yihiin kuwo aan u qalmin. Xoghayuhu waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee arrintan sii dhiirri gelisay ay tahay dhalinyarada oo inta badan aan helin gacan qabasho iyo tilmaamta ay nolosha uga baahan yihiin.

Qoraalkan uu soo saaray Ban Ki Moon oo qaybo ka mid ah uu Geeska Afrika ka soo turjumay wargeyska Yowmu Sabca waxa uu ku sheegay in Qaramada Midoobey ay doonayso xus sannadeedka maalinta dhalinyarada adduunka ee sannadkan ay uga faa’idaysato in la qaado dadaal lagu tirtirayo teedka nafsiga ah ee dhalinyarada ku kallifa in ay ku noolaadaan faquuqni iyo aamusnaan. Ban Ki Moon waxa uu tilmaamay in teedadka nololeed ee dhalinyarada ka hor imanayaa ay raad weyn kaga tagaan niyaddooda, gaar ahaan dalalka aan danaynin masalada caafimaadka nafsiga ah ama iska dhego mariya, ee aan sidii saxda ahayn u maalgelin adeegyada caafimaad ee nafsiga ah. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu Ban Ki Moon qoraalkiisan ku yidhi, “Dhalinyarada xanuunnada nafsiga ah asal ahaan u nugul waxaa ka mid ah kuwa aan hoyga lahayn, agoonta, kuwa ku nool dhulka colaaduhu ka jiraan. Dhalinyaradaasi halkii ay ka mudnaayeen in ay helaan gacan qabasho iyo u caqli celinta ay sida weyn ugu baahan yihiin ayaa loogu beddelaa ceebayn, niyad jabin iyo hagar daamayn, sidaa awgeed waxaa ku sii kordha baadiyowga iyo hallowga” Ban Ki Moon oo hadalkiisa sii wataa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalinyaradaas oo la gacan qabto lana fahmo waxa ay tebayaan iyo nafsaddoodu in ay ka qayb qaadan doonto in ay iyaguna noqdaan kuwo si qiimo leh uga qayb qaata wanaajinta mustaqbalka wadareed ee bulshada.

Ban Ki Moon waxa uu sheegay in 500 oo maalmood oo keliyi ay ka hadheen waqtigii loo xaddiday in lagu dhamaystiro barnaamijyada horumarineed ee loogu talo galay Kun-guurada, sidaa awgeed waxa uu ku baaqayaa in la taageero dhalinyarada guud ahaanteed, gaar ahaanna kuwa khatarta u baylahda ah, si uu ololahan taariikhiga ah ee Kun-Guuradu u guulaysto.