Ingiriiska Ayaa Dadkiisu U Safraya Masar Kula Taliyey In Ay Ka Feejignaadaan Cuntada Ay Cunayaan

0
262

London (Geeska)- Masuuliyiinta caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa dadkooda u safraya dalka Masar kula taliyey in ay ka feejignaadaan cuntooyinka ay cunayaan marka ay Masar joogaan, si ay uga badbaadaan khatarta jeermis dilaa ah oo cuntooyinka dalkaas lagu arkay.

War uu arrintan ka qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa uu ku sheegay in dad tiradoodu 18 gaadhayso oo dalka Masar u dhashay laga helay nooc ka mid ah bakteeriyada oo loo yaqaanno ‘E.coli bacteria’. Bakteeriyadan oo sumow keenta ayaa intaza badan sababta shuban iyo matag.

Hay’addu waxa ay ku talisay in dadka Ingiriiska ah ee dalka Masar joogaa ay iskaga dheeraadaan cunista guud ahaanba khudradaha aan lahayn diir sare oo laga dhilo, iyo in aanay caanaha cabbin.

Bakteeriyada E. Coli’ waa bakteriya inta badan ku dhalata caloosha ama maqaarka, laakiin inta badan khatarta caafimaad ee ay keentaa ma’aha mid looga baqanayo nolosha qofka ama ugu yaraan dhibaato weyn gaadhsiinaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.