Madaxweynaha Iyo Labada Xisbi Ee Mucaaradka Oo Saxeexay Heshiis Ay Ka Gaadheen Khilaafkii Komishanka Doorashada

0
809

Hargeysa (Geeska)- Saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ayaa sabtidii shalay kala saxeexdeen heshiis ay ka gaadheen murankii soo jiitamay ee la xidhiidhay masiirka komishanka doorashooyinka ee hadda jooga iyo tirada xubnahooda oo ay xisbiyada mucaaradku in la kordhiyo dalbanayeen.

Kaddib, dadaal uu adexda dhinac isugu soo jiidayey ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nikaloos Berlange, ayaa ugu dambayntii uu ku guulaystay in xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID ay gaadhaan heshiis ka kooban shan qodob oo ergeyga iyo wakiilka Ingiriiska u fadhiya Somaliland ay goobjoog ka ahaayeen ay saxeexiisa oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Heshiiska ay xisbiyadu saxeexeen waxa uu u dhignaa sidan;

  1. Saddexda Xisbi Qaran waxay ku heshiiyeen Mooshin lagu kordhinayo in xubnihii Guddida Doorashada Qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedeel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kaas oo wax ka-bedel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Farqada 1aad – a) iyo Faqrada 2aad b) ka hor 8 August 2019.
  2. Mooshinka waxa gudbinaaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.
  3. Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka horaysa 1 September 2019.
  4. Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub, kaddib doorashada.
  5. Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada 1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka, xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1 September 2019.
  6. Hannaanka soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada  (Xeer Lr. 20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, Farqada 2aad.
  7. Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.
  8. Saddexda Xisbi Qaran waxay isku raaceen:
  • In Guddida Doorashada ee hadda xilka haysaa ay diyaariyaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo in Guddida Doorashada ee cusubna ay qabtaan Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo doorashada.
  • In ay hawl-galaan guddiyadii Saddexda Xisbi Qaran ee magacawnaa, kana koobnaa 15-ka xubnood, si joogto ah oo wada jira uga hawl-galaan hawlaha qabsoomidda doorashada.

Hesiiskan ayaa soo afjaray khilaaf sannad ka badan soo jiitamayey oo laga cabsi qabay in uu dib u riixo qabsoomidda doorashada wakiillada iyo deegaanka ee foodda innagu soo haya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here