Faytamiin ‘K’ Waxa Uu Ka mid yahay Nafaqooyinka U Fiican Caafimaadka maqaarka ee maalinta loo baahan yahay

0
842

Berlin (Geeska)- Khabiir ku xeeldheer nafaqada oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa sheegtay in faytamiinka noociisa ‘K’ loo yaqaannaa uu xoojiyo teedka dabiiciga ah ee maqaarka, isla markaana caawiyo dedejinta bogsashada nabarrada iyo booga jidhka soogaadha.

Imke Riza waxa ay sheegtay in faytamiin ‘K’ uu sida oo kale maqaarka ka yareeyo olol, bararka, burooyinka iyo dhiigroorka, taas oo macnaheedu yahay in uu u fiican yahay daweynta xanuunnada maqaarka ku dhaca ee ay ka mid yihiin ololka maqaarka iyo dhiigroorka.

Faa’iidoyinka kale ee uu Faytamiinka ‘K’ u leeyaha ycaafimaadka qofka waxaa ka mid ah in uu ka qayb qaato daweynta wadne xanuunka, iyo in uu ka hortago in dhiiggu uu wadnaha ka xidhmo. Isaga oo sida oo kalana xoojiyo lafaha.

Faytamiinkan faa’iidooyinka badan waxaa laga helaa khudradaha cagaaran, sida Kaabajka, Barakooliga, Sabaanikha (Spinach), beedka intiisa huruudda ah iyo caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto.

Waxa ay khubaradu nafaqada jidhku sheegeen in qof kasta oo qaangaadh ahi uu u baahan yahay qiyaas u dhexeysa 60 illaa 80 Microgram oo Faytamiin ‘K’ ah. Haddii uu qofku dareensan yahay in cuntooyinka uu helaa aanay ahayn kuwii uu ka heleyeyna waxaa fiican in uu cuno dawooyinka dhammaystirka nafaqada oo dabcan u baahan in uu dhakhtar kala tashado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here