In Ka Badan Hal Qarni Oo Ay U Halgamayeen Sinnaanta Labada Jinsi Kadib, Ragga Reer Yurub Waxa Ay Maanta Khaatiyaan Ka Taagan Qaybtoodii Shaqada Guriga

0
639

Picture2Madrid (Geeska)- Rayi ururin dhowaan uu mac-hadka Ebsos ka sameeyey afar dal oo Yurub ah, ayaa ay ka soo baxday natiijada ah in ragga reer Yurub khaatiyaan ka taagan yihiin shaqo guriga hoose oo xeerka qoyska iyo qawaaniinta sinnaanshiyo ee ragga iyo dumarku qaybtooda ku waajibinayo. Rayi ururintan oo laga sameeyey dalalka Spain, France, Italy iyo Ingiriisku waxa ay daaha ka rogtay in ragga reer Yurub karaahiyo ka joogaan shaqo hoosaadka guriga iyaga oo si gaar ah uga baxsada, kaawiyadda dharka, nadiifinta xamaamyada iyo ku shaqaynta qasaalada dharka. Rayi ururintani waxa ay tilmaamtay in boqolkiiba 73 ka mid ah ragga reer Yurub ee daraasadda lagu sameeyey ay qirsan yihiin inay ka warwareegaan ama si cadba u diidaan kaawiyadaynta dharka, sidoo kale boqolkiiba 67 ayaa qirtay in ay ka baxsadaan ama si badheedha u diidaan nadiifinta suuliyada.

Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 61 ka mid ah ragga reer Yurub ay ka baxsada ama iska ilaaliya inay qabtaan guud ahaanba shaqooyinka guriga, halka boqolkiiba 59 ka mid ah si gaar ah uga cawdeen nadiifinta iyo xaadhista dhulka. Ragga daraasaddan lagu sameeyey waxyaabaha kale ee ay ka cawdeen waxa ka mid ah qashin qubka, laakiin boqolkiiba 56 ka mid ah ayaa sheegay in aanay wax dhib ah u arkayn soo adeegista iyo cunto karinta ama xataa weel xalidda. Daraasaddan oo dumarka qudhoodana baadhitaa rayi ururin ku samaysay si loo xaqiijiyo bal sida ay dhab u tahay doodda ah in ragga reer Yurub diidan yihiin ama ka warwareegaan shaqo guriga hoose, ayaa boqolkiiba 80 ka mid ah dumarkano ay ka markhaati fureen in raggu ay necebyihiin ama diidaanba kaawiyadda, sidoo kalana boqolkiiba 72 ayaa qiray in raggu ay diidan nadiifinta xamaamka iyo dhar dhiqista.

Khubarada sahamintan samaysay oo si hoos ugu sii dhaadhacay dalalka reer Yurub si ay wax uga ogaadaan in ragga ku nooli kala duwan yihiin ayaa ay ku ogaadeen  in ragga reer Italy yihiin kuwa ugu daran necbaanshiyaha shaqada guriga. Waxa kale oo ay daraasaddani caddaysay in boqolkiiba 47 illaa 52 ka mid ah qoysaska reer yurub ay u burburaan ama halis u galaan muran dhinaca qaybsiga shaqada guriga ah, iyada oo qoysaska ugu darani ay yihiin kuwa ay lammaanaha is qabaa ka yar yihiin da'da 35 jirka oo inta badan murankoodu yahay sida loo qaybsanayo ama loogu kala aadayo shaqada guriga. Ugu dambayntii waxa ay daraasaddani sheegtay in marmarsiiyaha ugu badan ee raggu ka keenaan shaqada gurigu ay tahay ereyada ah, Ma aqaanno sidaa loo samaynayo, waqti ayaanan u helayn iyaga oo sidoo kalana marka horeba ka war wareega in shaqada la qaybsado.